Sabti, July 26, 2008(HOL): Alle ha u naxariistee waxaa xalay ku geeriyooday Dalka Kuweyt Fannaaniinkii weynaa Xasan Diiriye Faarax oo muddo 8 sanadood ah la xanuunsanayay Cudurrada Kaadi-Macaanka iyo Dhiig-karka.
Saleebaan Xasan Diiriye oo ah wiil uu dhalay marxuum Xasan Diiriye ayaa isagoo u waramayay Idaacadda Shabeelle ee Magaalada Muqdisho wuxuu xaqiijiyay in uu Aabihiis xalay 9-kii habeennimo ku geeriyooday Dalka Kuweyt oo loo geeyay in looga daweeyo xanuunno uu qabay.
“Aabbe wuxuu xanuunsanayay ilaa sanadkii 2000, markii ay bilowdeen dagaallada Muqdisho ka socda ayaan Hargeysa u qaadnay, kadibna waxaan u sii gudbinnay dalka Kuweyt oo uu xalay ku geeriyooday”ayuu yiri Saleebaan Xasan Diiriye oo intaas ku sii daray in markii Kuweyt la geeyay Aabbihiis madaxa qalliin looga sameeyay, “Intaas xaaladda Caafimaad ee Aabbe marna wey ka soo reyneysay, marna wey ka sii dareysay ilaa uu xalay geeriyooday”ayuuna hadalkiisa ku sii daray Saleebaan Xasan Diiriye.
Alle ha u naxariistee Xasan Diiriye Faarax oo 65 sano jir ahaa wuxuu ka mid ahaa Fannaaniinta Hobollada Waaberi ee caan baxay, wuxuuna ku luuqeeyay Heeso badan oo isugu jiray Wadani, Jaceyl iyo kuwo Waxbarashada ka hadlayay. Heesaha Wadaniga ah ee uu ku luuqeeyay waxaa ka xusi karnaa Heesta (Timir Laf baa ku jirta).
Halkan ka dhegeyso
Heesta Timir Laf baa ku jrita-dulmane.com
Ugu dambeyntiina, Sanadkan 2008 waxaa geeriyooday Fannaaniin badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo kala ahaa Xasan Shiikh Muumin, Maxamed Yuusuf, Axmed Nuur Jaangow, C/llaahi Amiir Rooble Aw-kuu-kuu, Maclow Aw-diinle iyo Cabdalla Nuuradiin Axmed, iyadoo fannaaniintaas badankood ay ku dhinteed gudaha Dalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia