Sabti, July 26, 2008(HOL): Waxaa xalay isku day lagu dili lahaa ka badbaaday Sarkaal ka tirsan Hay’adda WHO oo lagu magacaabo C/llaahi Maxamed Maalin kaasi oo isagoo ka soo baxay masjid uu Salaaddii Maqrib ku soo tukaday uu wiil dhalinyaro ah isku dayay in uu toogto.
Dad goob-joogayaal ah oo ku sugan Degmada Dhuusa-mareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegay in C/llaahi Maalin oo ka soo baxay Masjid uu Salaaddii Maqrib ku soo tukaday uu wiil dhalinyaro ah bastoolad la dul-tegay hayeeshee ay bastooladdii dhowr jeer ka leeb dhacday.
Wiilka dhalinyarada ah ee doonayay in uu dilka geysto ayaa kadib markii ay bastooladdii u dhici weysay wuxuu ka cararay goobta, isagoo aan kadibna u baxsaday dhulka baadiyaha ah ee ku dhow degmada Dhuusa-mareeb.
Degmada Dhuusa-mareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa dhawaanahan wuxuu ammaankeeda ahaa mid aanan hagaagsaneyn, waxaana horay uga dhacay dil loo geystay sarkaal u shaqeynayay Hay’adda Bisha Cas, kaasi oo lagu magacaabi jiray Gaar-haye, iyadoo sidoo kale dhaawac loogu geystay gudaha Degmada Guddoomiyaha Degmada Guri-Ceel Cali Shiikh Maxamed iyo Nabaddoono la socday, kuwaasi oo la dhaawacay iyagoo ka soo baxay Masjid ay Salaaddii Casir ku soo tukadeen.
Ugu dambeyntiina, Dalka Soomaaliya oo dhan ayaa waxaa ku sii kordhaya dilalka iyo af-duubka loo geysanayo Shaqaalaha Hay’adaha Samafalka, waxaana Deegaanno ka tirsan Gobollada Banaadir, Shabeelaha Hoose, Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Bari ka dhacay dilal iyo af-duub loo geystay shaqaale samafal oo Dalka Soomaaliya u yimid in ay gargaaraan Dadka Soomaaliyeed ee tabaaleysan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia