Sabti, July 26, 2008(HOL): Nawaaxiga Isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho ayaa saaka waxaa ka dhacday Israsaaseyn waqti kooban socotay, taasi oo u dhaxeysay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.
Is-rasaaseynta labada dhinac ayaa bilaabatay kadib markii Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ay saaka waqti kooban xanibeen dhaqdhaqaaqa Dadka iyo Gaadiidka Waddooyinka isugu yimaada Isgoyska KM4 ee Degmada Hodan.
Lama sheegin ilaa iyo haatan wax khasaare ah oo ay is-rasaaseyntaas geysatay, inkastoo ay wel wel ku abuurtay dad badan oo ku nool nawaaxiga Isgoyska KM4 oo ay horay uga dhaceen dagaallo khasaare ba’an geystay, kuwaasi oo dhexmaray labada dhinac ee saaka is-rasaaseeyay.
Isgoyska KM4 oo ay ammaankiisa gacanta ku hayaan Ciidamada Amisom ee Muqdisho jooga ayaa waxaa si weyn u isticmaala mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya , iyadoo sidoo kalena ay ka baxdo Waddo u kacda Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia