Khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo maanta ka dhacay Magaalada Beledweyne

Cabirka Farta

Jimco, 25, July, 2008 (HOL) Inta la og-yahay 6 ruux oo riyad ah ayaa ku geeriyootay dagaal culus oo gudaha Magaalada Beledweyne ku dhexmaray Ciidamada Itoobiya iyo Kooxaha ka soo horjeeda.

Dadka geeriyooday ayaa  afar ka mid ah ayaa waxaa haleeshay Madaafiic Ciidamada Itoobiyaanku ku garaaceen qeybo ka mid ah Xaafada Howl-wadaag, halka labada kalena ay Ciidamada Itoobiyaanku ku toogteen aga-gaarka Xarunta Shirkada Barakaad ay ku lee dahay Magaalada.

Sidoo kale waxaa ay wararku intaas ku darayaan in madaafiicda maanta loo adeegsaday dagaalka ku dhaceen goobo ganacsi kuwaa oo qaarkood ahaa kaalimo lagu iibiyo shidaalka.

Ciidamada Itoobiyaanka ee dagaalka la galay Xoogagga Maxkamadaha ayaa waxaa u suurta gashay in ay la weegaan fariisimo markii hore ay ka dagaalamayeen Ciidamada, Maxkamadaha kadib markii Madaafiic aan kala go' laheyn loo adeegsaday dagaalka.

Inta badan Xaafadaha Magaalada Beledweyne ayaa caawa cidla ah kadib markii dadkii rayidka ahaa ee ku dhaqnaa ay isaga carareen dirirta u dhaxeysa dhinacayda isku haya Magaalada aawgeed, iyadoo ay xusid mudan tahay in  mar walba la filan  karo dagaal mar kale dhexmara Xoogagga iska soo horjeeda oo ah kuwo aan wax badan kala fogeyn.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia