Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka oo ka dooday Dib u habeynta Dhaqaalaha soo gala Dowladda iyo Sugidda Ammaanka

Cabirka Farta

Jimco, July 25, 2008(HOL): Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta shir ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa waxay shirkooda uga doodeen arrimo ku saabsan Dib u habeynta dhaqaalaha soo gala Dowladda Federaalka, Ammaanka iyo Dib u heshiisiinta.

Shirkaas oo uu shir guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa waxaa warbixinno looga geystay Wasiirrada Maaliyadda, Arrimaha Gudaha iyo Gaashaandhigga, iyadoo sidoo kalena uu Ra’iisal Wasaaraha ka warbixiyay socdaallo uu ku tegay dalal Afrika iyo Yurub isugu jira.

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaaji Goob-doon ayaa shirkaas kadib warfidiyeennada u sheegay in Wasiirka Maaliyadda Dr. Maxamed Cali Xaamud uu sheegay in Wasaaraddiisa ay ku howlan tahay qorshayaal dib loogu habeynayo dhaqaalaha soo gala Dowladda, wuxuuna intaas ku daray in Wasiirka uu ballanqaaday in uu Golaha Wasiirrada hor-keeni doono qorshahaas kadib marka ay soo dhameystiraan khubarro dhaqaalaha ku takhasusay.

Cabdi Xaaji Goob-doon wuxuu sheegay in Wasiirrada Arrimaha Gudaha iyo Gaashaandhigga oo kala ah Muuse Nuur Amiin iyo Muxyaddiin Maxamed Xaaji ay iyaguna sheegeen in ay ku howlan yihiin qorshayaal ammaanka lagu sugayo, inkastoo ay soo jeediyeen in daryeel loo helo Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay ku jiraan kuwo dhawaan lagu soo tababaray Dalka Itoobiya.

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaaji Goob-doon waxaa uu intaas ku daray in Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde uu ka hadlay dib u heshiisiinta socota ee ay Qaramada Midoobay horseedka ka tahay, wuxuuna carrabka ku dhuftay in Ra’iisal Wasaaraha uu sheegay in Dib u heshiisiinta oo ka mid ah waxyaabihii kalsoonida lagu siiyay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay meel wanaagsan mareyso, isla markaana la rajeynayo in guulo laga gaaro.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia