Dagaal culus oo mar labaad maanta ka dhacay Xaafado ka tirsan Magaalada Beledweyne

Cabirka Farta
Jimco, July 25, 2008(HOL):  Dagaal culus oo laysku weydaarsanayo noocyada hubka, una dhaxeeyo Ciidamada Itoobiya iyo Kooxaha ka soo horjeeda ayaa mar kale ka qaraxay Xaafado ka tirsan Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.
 
Dagaalka oo markii hore ka bilowday Xaafadda Buunda-weyn ayaa mar kaliya isku rogay dhinaca Galbeed ee Magaalada oo dagaal fool ka fool ah uu ku dhaxmaray Ciidamada Itoobiya iyo Kooxaha ka soo horjeeda, waxaana wax yar kadib bilowday in Madaafiic culus oo laga soo ridayay xerada Jante-kuundisho lagu garaaco Xaafado ka tirsan Magaalada, gaar ahaan Howl-wadaag oo ah halka dagaalka xooggiisu ka dhacay.
 
Ilaa hadda ma jiro warar faah faahsan oo ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay Madaafiicda Ciidamada Itoobiyaanku ku rideen qeybo ka mid ah Magaalada, waxaana hubaal ah in mar walba uu soo bixi karo khasaare ka dhashay duqeynta maanta maadaama goobaha la garaacay yihiin Xaafadaha dadka rayid ku badan yahay.
 
Dagaalka maalintii labaad ka qarxay  Magaalada Beledweyne ayaa sare u sii qaaday dareenka dadka shacabka ah oo bilaabay in isaga cararaan guryahooda iyagoo ka baqaya waxyeello ka soo gaarta duqeynta Ciidamada Itoobiya, waxaana ka mid ah meelaha sida weyn looga barkacayo Xaafadaha Howl-wadaag Buunda-weyn, Kooshin oo ah meelaha ugu daran ee dhibaatadu ka jirto.
 
Duqeynta maalintii labaad ku socota Magaalada Beledweyne ayaa naxdin iyo wal wal badan ku abuurtay dadka caadiga ah oo wali aan intooda badan horay u arag hub loo adeegsanayo dagaalka, gaar ahaan Madaafiicda laga soo ridayo xerada Jante-kuundisho oo marka la eego u muuqda kuwo la hagayo isla markaana lagu bar tilmaameedsanayo goobo gaar ah.
 
Sikastaba arrintu ha ahaatee, la arki doonee halka xaalku saldhigto maadaama wali xasaradu kacsan tahay mar walbana ay dhici karaan dagaallo culus oo dhexmara dhinacyada iska soo horjeeda oo wali isku horfadhiya xaafadaha dagaalladu ka socdaan.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia