Jimco, July 25, 2008(HOL): Ciidamo ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka oo dhawaanahan howlgallo ka waday deegaanno ka tirsan Gobolka Gedo ayaa shalay waxay seddex burcad ah ku toogteen Duleedka Degmada Luuq ee Gobolka Gedo.
Ciidamada Maxkamadaha ayaa markii ay toogteen seddexda Burcadda ah waxay ka qaateen qoryo gacmeedyo ay dadka ku dhacayeen, waxayna sii daayeen Gaadiid Safar ahaa oo ay Burcaddaas heysteen.
Dadka ku dhaqan Degmada Luuq iyo weliba kuwii safarkaa ee laga sii daayay gacanta kooxaha burcadda ah ayaa si weyn u soo dhaweeyay howsha ay Ciidamada Maxkamadaha qabteen.
Ciidamo ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka ayaa dhawaanahan waxay howlgallo nabad-sugid iyo burcad sifeyn ah ka wadeen deeggaano hoos yimaada Gobollada Gedo, Bakool, Bay iyo Jubbada dhexe, iyadoo maamullo ay dowladda federaalka deegaannadaas u magacawdayna ay meesha isaga tageen.
Sidoo kalena Ciidamada Maxkamadaha Islaamka waxay howlgallo burcad sifeyn ah ka wadaan Wadada isku xirta Magaalada Muqdisho iyo Gobollada Dhexe, taasi oo aan haatan lagu arkeynin kooxo burcad ah oo dadka safarka ah u geysan jiray dhibaatooyin kala duwan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia