Kooxo hubeysan oo dhaawac culus u geystay Fannaan hore oo ka mid noqday Maamulka Gobolka Banaadir

Cabirka Farta

Isniin, July 21, 2008(HOL): Kooxo hubeysan ayaa waxay saaka dhaawac culus ugu geysteen Degmada Xamar Weyne Guddoomiye Waaxeed ka tirsan maamulka Degmadaas.

Cumar Nuur Baasharax oo ka mid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa waxaa saaka dhaawacay Kooxo hubeysan sida uu xaqiijiyay Guddoomiyaha Degmada Xamar-weyne C/llaahi Ibraahim Sahal Gar-dhuub.

Cumar Nuur Baasharax ayaa wuxuu ahaa Guddoomiyaha Waaxda Horseed ee Degmada Xamar-weyne, wuxuuna muddooyinkan ka tirsanaa Guddoomiye Waaxeedyada Maamulka Gobolka Banaadir.

Cumar Nuur Baasharax oo ka mid ah Fannaaniinta Caanka ah ee Sooamaliyeed ayaa  lagu xusuustaa kaalintii uu ku lahaa Riwaayadihii caan baxay ee Shan u yar iyo Kibirkii Beerta wuxuuna ku soo caan-baxay Kooxdii Xusuus ee Shaqaalaha, kadibna wuxuu u soo wareegay Kooxda Hobollada Waaberi ee Soomaaliyeed, waa sida uu ii xaqiijiyay Fannaanka weyn ee Maki Xaaji Banaadir.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia