Isniin, July 21, 2008(HOL): Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya garabka fadhigiisu yahay magaalada Asmara ee Dalka Eritrea ayaa saacadaha soo socda wuxuu ku dhawaaqayaa hoggaan cusub oo uu yeesho.
Xoghayaha Arrimaha Bulshada ee Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Suldaan Maxamed Garyare ayaa u sheegay Idaacadda Horn Afrik ee Magaalada Muqdisho in saacadaha soo socda ay dooran doonaan Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta, Guddoomiyaha Golaha Dhexe iyo Xoghayayaasha Isbaheysiga.
Suldaan Maxamed Garyare oo ka gaabsaday in uu faah-faahin dheeraad ah ka bixiyo doorashada ay sameynayaan ayaa wuxuu sheegay in ay maanta ku dhawaaqayaan mas’uuliyiintii ay ku bedeli lahaayeen madaxdii Isbaheysiga.
Xoghayaha Arrimaha Bulshada Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya waxaa uu intaas ku daray in ay go’aankaas qaateen kadib markii ay fashilmeen wada hadallo ay Yemen ku yeesheen wakiillo ka kala socday garabyada Isbaheysiga ee kala jooga Magaalooyinka Asmara iyo Djibouti, kuwaasi oo la doonayay in labada dhinac la isugu soo dhaweeyo.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, haddii saacadaha soo socda ay ku dhawaaqaan hoggaan cusub xubnaha Isbaheysiga ee jooga Magaalada Asmara waxay taasi micnaheedu tahay in Isbaheysiga Dib u xoreynta uu si rasmi ah u noqday labo garab oo iska soo horjeeda, isla markaana kala fadhiya Magaalooyinka Asmara iyo Djibouti.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia