Kooxo hubeysan oo xalay weerar ku qaaday guri uu Magaalada Baydhabo ka degan yahay Xildhibaan ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya

Cabirka Farta

Isniin, July 21, 2008(HOL): Kooxo hubeysan ayaa xalay waxay weerar ku qaadeen guri uu magaalada Baydhabo ka degan yahay Xildhibaan Ibraahim C/nuur oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Guriga Xildhibaanka oo ku yaala Xaafadda Horseed ee Magaalada Baydhabo ayaa waxaa weeraray kooxo hubeysan, inkastoo ay iska caabin kala kulmeen ilaaladii Xildhibaanka, waxaana lagu soo waramayaa in ay labada dhinac dhexmartay is-rasaaseyn muddo socotay.

Lama soo sheegin wax khasaare oo uu weerarkaas geystay, hayeeshee waxaa la arkayay burbur soo gaaray qeybo ka mid ah guriga uu Xildhibaanka deganaa, kaasi oo ay kooxaha weerarka soo qaaday ay rasaaseeyeen.

Ilaalada Xildhibaanka ayaa markii ay qadar daqiiqado ah iska caabinayeen Kooxihii weerarka ku soo qaaday ayaa waxaa u soo gurmaday Ciidamo kale oo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo fariisin ku leh gudaha Magaalada Baydhabo.

Waxaa sii kordheysa amni darro in muddo ah ka taagneyd Magaalada Baydhabo, taasi oo haatan u gudubtay in la weeraro guryaha ay degan yihiin Xildhibaannada Dowladda Federaalka Soomaaliya. Mar sii horeysay ayay ahayd markii ay sidoo kale kooxo hubeysan weerar ku qaadeen guriga Xildhibaan C/llaahi Shaleyti oo isna ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia