Dowladda Federaalka iyo Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab oo guulo ka kala sheegtay dagaal shalay ka dhacay inta u dhaxeysa Leego iyo Yaaq-biri-weyne

Cabirka Farta

Isniin, July 21, 2008(HOL): Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dhaqdhaqaaqa Al-shabaab ayaa waxay  guulo ka kala sheegteen dagaal shalay ka dhacay inta u dhaxeysa Deegaannada Leego iyo Yaaq-biri-weyne ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo Shir jaraa’id qadka Taleefoonka ugu qabtay qaar ka mid ah Idaacadaha Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in ay dagaalkii shalay jab ugu geysteen Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jiray, kuwaasi oo uu sheegay in ay u socdeen Magaalada Muqdisho.

Ciidamadaas ayuu sheegay Abuu Mansuur in loo waday in ay bililiqeystaan Suuqa Bakaaraha, wuxuuna sheegay in ay weerarro ku qaadi doonaan inta aysan Muqdisho gaarin, “Ciidamadaas waxaa loo wadaa in ay Suuqa Bakaaraha bililiqeystaan laakin Alle idinkii wax yar ayaa Muqdisho ka gaari doona, meel kastana waan ku weerari doonnaa”ayuu yiri Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Mar wax laga weydiiyay Abuu Mansuur khasaaraha dhinacooda soo gaaray wuxuu sheegay in ay ka dhinteen seddex dagaal-yahan, seddex kalena ay ka dhaawacmeen, wuxuuna carrabka ku dhuftay in aysan taasi khasaare u arkeynin, bacdamaa sida uu yiri ay u dagaallamayaan in ay Ciidamada Itoobiya ka xoreeyaan Soomaaliya.

Dhanka kalena Sarkaal u hadlay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo lagu magacaabo G/lle Daahir Maxamed Xirsi ayaa sheegay in  ay 10 nin ka dileen dhinacii dagaal kala soo horjeeday, isagoo caddeeyay in dadka ay dileen ay ku jiraan Dagaalyahanno Ajnabi ah oo dhalashooda kala tahay Ciraaq iyo Bakistaan.

Sarkaalkan u hadlay Dowladda Federaalka oo u waramayay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da waxaa uu sheegay in ay saxaafadda u soo bandhigi karaan ragga Ajnabiga ah ee ay dagaalkii shalay ku dileen, dhinacoodana wuxuu sheegay in labo askari ka dhaawacmeen.

G/lle Daahir Maxamed Xirsi oo sii hadlayay waxaa uu sheegay inay dharbaaxo kulul u geysteen dhinacii dagaalka kala soo horjeeday, wuxuuna carrabka ku dhuftay in xoogaggii weerarka ku soo qaaday oo kala cararay ay uga daba-tegi doonaan meel kasta oo ay tagaan.

Ma jirto ilaa iyo haatan cid labada dhinac ka madax bannaan oo xaqiijineysa khasaaraha labadan dhinac ka soo gaaray dagaalkii shalay ka dhacay inta u dhaxeysa Deegaannada Leego iyo Yaaq-biri-weyne ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia