Madaxweyne Rayaale oo magacaabay Maareeye cusub

Cabirka Farta

Axad, 13 July 2008 (HOL): Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ayaa Maareeye cusub u magacaabay Madbacadda Qaranka.

Sida lagu sheegay Warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Saciid Cadaani, Madaxweynuhu wuxuu Maareeyaha Madbacadda Qaranka u magacaabay Maxamed Cabdi Maalik .

Warsaxaafadeedkaasi wuxuu u dhignaa sidan:

“Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin  waxa  uu Maareeye cusub u magacaabay Madbacada Qaranka Somaliland.

Madaxweynuhu isagoo tix gelinaya  qodobka 90-aad ee dastuurka JSL iyo  ahmiyada  weyn ee Madbacada qaranku  u leedahay dalka, waxa uu u magacaabay Mudane Maxamed Cabdi Maalik  inuu noqdo  Maareeyaha cusub   ee Madbacada Qaranka, kadib markii uu Madaxweynuhu  tix gelin  gaar ah siiyay  kartidiisa, aqoontiisa  iyo hufnaantiisa shaqo, gudan karana xilka loo magacaabay.”
 
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland