Axad, July 13, 2008(HOL): Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa markii labaad waxaa shalay gaaray Xoogag ka amar qaata Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab, kuwaasi oo horay u booqday Degmada iyo tuulooyinka hoos-yimaada.
Afhayeenka Howl-gallada Maxkamadaha Islaamka C/raxiin Ciise Caddow ayaa sheegay in Xoogagga Al-Shabaab ee gaaray Degmada Baardheere ay halkaas u tageen in ay la kulmaan dadka degmadaas iyo nawaaxigeeda ku dhaqan, isla markaana ay ku wacyigeliyaan dadka in ay ku dhaqaan Shareecada Islaamka.
C/raxiin Ciise Caddow waxaa uu sheegay in ay mas’uuliyiinta Hoggaamineysa Xoogagga Al-Shabaab ay kulamo la qaadan doonaan Dadka ku dhaqan Degmada Baardheere, gaar ahaan, Culumaa’udiinka, Ganacsatada, Odayaasha iyo Waxgaradka, isagoo sheegay in ay labada dhinac ka wada hadli doonaan sugidda ammaanka iyo weliba xaaladda abaaraha Gobolka Gedo.
Intaas kadib C/raxiin Ciise Caddow waxaa uu baaq u jeediyay Shacabka Soomaaliyeed oo uu ugu baaqay inay shareecada Islaamka ku dhaqmaan, isla markaana ay iska iloobaan sida uu u yiri ku dhaqanka nidaamka Goboleysiga iyo weliba wax kasta oo aan Shareecada Islaamka ahayn, “Dadka wax ay isugu imaan karaan oo ay ku heshiin karaan waa Shareecada Islaamka ee iyada haku dhaqmeen, markaas ayayna Allaah ka helayaan naxariis iyo barwaaqo”ayuu yiri C/raxiin Ciise Caddow.
Ugu dambeyntiina, Xoogagga Al-Shabaab ayaa dhawaanahan waxay dhaqdhaqaaqyo ka wadeen Deegaanno ka tirsan Gobollada Bay, Bakool iyo Jubadda Dhexe, halkaasi oo meelihii ay ka booqdeen ay kula hadleen Dad badan oo ay kula kulmeen.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia