Axad, July 13, 2008(HOL): Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed C/llaahi Xasan Bariise ayaa ku eedeeyay Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye in ay mar kasta u hadlaan hal dhinac, isla markaana ay ka aamusaan dhibaatooyin kale oo ka jira dalka Soomaaliya.
C/llaahi Xasan Bariise waxaa uu sheegay in Odayaasha Hawiye ay mar kasta sheegaan dad rayid ah oo dhibaato loo geystay, balse sida uu u yiri aysan marna soo hadal qaadin dilalka loo geysto mas’uuliyiinta Hay’adaha Samafalka iyo weliba weerarka lagu hayo saraakiisha iyo ciidamada dowladda Federaalka.
“Odayaasha dhaqanka doorkooda ma ahan mid dhexdhexaad ah, waxayna u muuqdaan inay dhinac la safan yihiin, sidaas darteed waxaan kula talin lahaa Odayaasha in ay noqdaan kuwo dhexdhexaad ah oo si siman uga hadlaya dhibaatooyinka dalka ka dhaca.
Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo sii hadlayay waxaa uu ka hadlay dil ay dhawaan Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya ka geysteen Degmada Dayniile, kaasi oo ay dadka Degmadaas ku dhaqan sheegeen in loo geystay dad rayid ah oo guryahooda lagala soo baxay, wuxuuna sheegay C/llaahi Xasan Bariise in dadkaasi ay ahaayeen kuwo dagaal kala soo horjeeday Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya oo howlgallo sameynayay.
Ugu dambeyntii C/llaahi Xasan Bariise waxaa uu baaq u jeediyay Dadka ku dhaqan Degmadaas oo maalmahan la sheegayo inay xaafadahooda ka barakacayaan iyagoo ka baqaya inay dhibaato u geystaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya, wuxuuna sheegay in aan wax dhibaato ah loo geysan doonin dadkaas, isla markaana ay guryahooda iska joogaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia