Dadka u barakacay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye oo walaac ka muujinaya dilalka loo geysnayo Madaxda Hay’adaha...

Cabirka Farta

Axad, July 13, 2008(HOL): Waxaa cabasho muujinaya dadka ku dhaqan inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye, kuwaasi oo u badan Dad ka barakacay guryahoodii oo ku yaala Magaalada Muqdisho.
 
Cabashada Dadkani ayaa waxay ku saabsan  tahay dilalka loo geysanayo mas’uuliyiinta Hay’adaha Samafalka, kuwaasi oo qaarkood la dilay iyagoo raashin u qeybinayay dad ku barakacay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye.

Asli Maxamed Shiikh oo ka mid ah Dadka ku barakacay inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye, gaar ahaan Deegaanka km 13 ayaa HOL u sheegtay in dilalka loo geysanayo mas’uuliyiinta Hay’adaha Samafalka ay keenayaan inay joogsadaan gargaarka bani’aadannimo ee loo fidiyo Dadka ku dhibaateysan Muqdisho iyo duleedyadeeda, sidaas darteedna waxay ku baaqday in la joojiyo dilalka loo geysanayo Mas’uuliyiinta Hay’adaha Samafalka.

Asli waxay kaloo sheegtay in markii dorraad la dilay Agaasime ku xigeenkii Hay’adda Daryeel Bulsho Guud (DBG) marxuum Maxamed Maxamuud Kheyre (M.M.K) ay qadar saacado ah ka hakadeen biyo ay Hay’adda ka heli jireen, inkastoo ay sheegtay in mar dambe dib loogu bilaabay biyo qeybintii.
 
Hay’adda DBG ayaa waxay dadka ku barakacay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye waxay siisaa raashin iyo biyo mucaawino ah oo  ay si weyn ugu aayeen dad badan oo ay nolosha ku adkeyd intii aysan Hay’adda bilaabin gargaarkaas Bani’aadannimo.
 
Dadkani ku barakacay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxay cabsi ka muujinayaan inay waayaan cid u keenta gargaarka ay u baahan yihiin bacdamaa la dilay samafalayaal u soo gurmaday, halka kuwo kalena af-duub loo geystay.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia