| Madaxweynaha iyo Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya |
Isagoo ka jawaabayay su’aalo ay weydiiyeen Dad Soomaaliyeed oo uu kula kulmay Magaalada Hague ee Dalka Holland ayaa mar la weydiiyay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde mushaarka ay qaateen isaga iyo Madaxweyne Yuusuf wuxuu sheegay in mushaarka ay qataaan uu dhan yahay bishiiba 1,200 US$ (Kun iyo Labo Boqol oo Doollar).
Jawaabtaas waxay ahayd mid aaney dad badan fileynin balse Ra’iisal Wasaaraha wuxuu uga jawaabay si aan ka leex-leexad lahayn, iyadoo markii uu jawaabtaas bixiyayna ay u sacab tumeen dadkii uu su’aalaha uga jawaabayay.
Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde iyo Dadka Soomaaliyeed ee su’aalaha weydiinayayba waxay shalay marti u ahaayeen Barnaamijka hadal-heynta Jimcaha ee ka baxa Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da, iyadoo ay xusid mudan tahay in dadkii su’aalaha weydiinayay Ra’iisal Wasaaraha ay u badnaayeen kuwo ay dhibtay xal u helid la’aanta mushkiladda Soomaaliya.
Su’aalo kale oo Ra’iisal wasaaraha la weydiiyay ayaa waxaa ka mid ahaa awoodda ay Dowladda Federaalka u leedahay inay Ciidamada Itoobiyaanka ka saarto Soomaaliya bacdamaa ay iyaduna markii hore soo gelisay, wuxuuna sheegay in haddii Soomaalida ay dhibaatada dhextaala ka heshiiyaan aysanba jirin dhibaato Ciidamo shisheeye ay Soomaaliya u joogaan.
Su’aal kale oo muhiim ahayd ayaa waxay iyaduna ahayd sababta gees loogu riixayo Xoogagga Al-Shabaab iyo waxa toos loogula hadli la’ yahay, bacdamaa xal la raadinayo, wuxuuna Ra’iisal Wasaaraha sheegay in uu ugu baaqayo Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka inay wax ka qaataan Heshiiskii Jibouti oo uu sheegay in uu yahy mid ay Soomaalida dhibaatada uga bixi karaan.
Soomaalida Dibadaha ku nool oo ay ugu horeeyeen kuwii uu kula hadlayay Magaalada Hague ee Dalka Holland ayuu ugu baaqay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde in ay nabadda ka shaqeeyaan, “Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dibadaha ku nool waxay muujiyeen dadaal weyn , waxa ay ka dhiman waayeen dadka dalka gudahiisa ku sugan-na waa iyaga, inkastoo ay mararka qaarkood ka qeybqaataan dagaallada, marka waxaan leeyahay Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Dibadaha ku nool Nabadda Soomaaliya wax ka raadiya”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia