Dadkii ka barkacay xiisadda colaadeed ee ka taagan Magaalada Beledweyne oo dhibaato kale kala kulmay deegaannadii ay ku barakaceen

Cabirka Farta

Sabti, 12, July, 2008 (HOL)  Qoysaskii dhawaan ka barkacay Magaalada Beledweyne si ay uga baxsadaan dagaallo laga cabsi qabo in gudaha Magaalada ay ku dhaxmaraan Xoogagga Maxkamadaha Islaamiga iyo Ciidamada Itoobiya, ayaa warar soo baxaya sheegayaan in ay dhibaato dhinaca Nolasha ah ku heysto deegaannadii ay u barkaceen.

Intooda badan waxaa ay tageen qoysaskan dhulka miyiga ah oo ay ka taagaan yihiin xaalado dhinaca nolosha ah, sida biyo iyo baad la'aan markii horeba ay la daalaa dhacayeen reer Miyiga ah, waxaase intaas oo dhan ka sii daran in hadda meelaha qaar laga soo sheegayo in caruurtu bilaabeen in ay shubmaan kadib markii ay la qabsan waayeen Cumilada goobaha ay ku barakaceen.

Meelaha ugu daran ee hadda qeyla-dhaanta ka soo yeertay ayaa waxaa ka mid ah tuulooyinka ku teedsan Degmooyinka Buula-burte iyo Jalalaqsi oo dadkii ku barakacay ay ku dul dageen dad horey uga soo barakacay xaaladda Magaalada Muqdisho.

Sida uu HOL u sheegay C/risaaq Doollar oo ka mid ah waxgaradka ku dhaqan Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan dhibaatada ugu daran waxaa ay tahay iyada oo ay san degmadu laheyn goob caafimaad oo ugu yaraan xitaa wax ka qaban karta xaaladda la soo daristay caruurta qoysaska soo barakacay taasoo ugu dambeytii keeni karta ayuu yiri in dhibaatadu intan ka sii badato.

Waxaa uu intaas ku daray in hadda ay jiraan dadaalo aan sidaas u badneyn oo ay wadaan waxgaradka degmada si markaas loogu gurmado dadka isku dul rafaadsan, gaar ahaan waxaan xoogga la saarayaa ayuu yiri sidii dadkaasi loo gaarsiin lahaa biyo ku filan oo ay uga maarmaan kuwaWabiga.

Inkastoo Xaaladaha laga soo sheegayo goobihii ay ku barakaceen dadkii dhawaan ka baxay Magaalada Beledweyne ayaa wali waxaa ka sii socda Magaalada barakaca dadka rayidka ah, kuwaas culeys iyo dhibaato kale ku sii kordhinaya kuwo hadda xaaladaha nololeed ay ku heystaan Degmooyinka iyo Tuulooyinka ay ku barakaceen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beldweyn, Somalia