Sabti, July 12, 2008(HOL): Waxaa ka soo reyneysa xaaladda Caafimaad ee Cali Baashi Aloore oo ka mid ah mas’uuliyiinta Hay’adda Samafalka Wadaniga ah ee Sorda, kaasi oo ay shalay kooxo hubeysan ku dhaawaceen Deegaanka km 13 ee ku yaala inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.
Cali Baashi ayaa waxaa la dhaawacay isagoo raashin mucaawino ah u qeybinayay Dad ka barakacay Magaalada Muqdisho oo ku sugan Deegaanka km 13, iyadoo kadibna dhaawaciisa loola cararay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.
Agaasime ku xigeenka Isbitaalka Madiina Dr. Daahir Maxamed Maxamuud (Daahir Dheere) ayaa sheegay in xaaladda Cali Baashi ay haatan ka soo reyneyso, isla markaana ay daweyntiisa ku howlan yihiin Dhaqaatiirta iyo kalkaaliyayaasha Isbitaalka Madiina.
Dhanka kalena Kooxo hubeysan ayaa waxay shalay deegaanka Ceelasha Biyaha ku toogteen Agaasime ku xigeenkii Hay’adda Daryeel Bulsho Guud (DBG) oo lagu magacaabi jiray Maxamed Maxamuud Kheyre (M.M.K).
Indhawaalaba waxaa Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho iyo duleedyadeeda ku soo badanayay dilal loo geysanayo dadka bulshada indhaha u ah sida aqoonyahannada, ganacsatada, culumaa’udiinka, iyadoo ay xusid mudan tahay in dilalkii ugu dambeeyay lagu bartilmaameedsaday shakhsiyaad howlo samafal ah ku howlanaa.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia