Hay’adda DBG oo sheegtay in ay joojisay Howlihii samafalka ee ay ka waday Soomaaliya

Cabirka Farta

Sabti, July 12, 2008(HOL): Hay’adda Samafalka Daryeel Bulsho Guud (DBG) ayaa shaaca ka qaaday in ay joojineyso howlihii samafalka ahaa ee ay ka waday dalka Soomaaliya.

Agaasimaha Hay’adda DBG Xaaji Abuukar Shiikh Cali ayaa sheegay inay go’aankaas qaateen kadib markii shalay deegaanka Ceelasha Biyaha lagu dilay Agaasime ku xigeenkii Hay’adda oo lagu magacaabi jiray Maxamed Maxamuud Kheyre (M.M.K).

Xaaji Abuukar waxaa uu sheegay in horay Hay’addooda dhibaatooyin loogu geystay, haatanna ay soo gaartay dhibaato aad u culus oo ah in la dilo mas’uuliyiinta Hay’adda, sidaas darteedna wuxuu sheegay in ay joojiyeen howlihii samafalka ahaa ee ay Bulshada u hayeen, inkastoo uu sheegay in ay howshaas sii wadi karaan marka la helo awood xakameyn karta dadka ka soo horjeeda in loo gargaaro dadka dhibaateysan, isla markaana ugaarsanaya shakhsiyaadka ku howlan samafalka.

Mar sii horeysay ayaa waxaa xarunta Hay’adda DBG oo ku taala Deegaanka km 13 weerar ku qaaday kooxo hubeysan, kuwaasi oo dhacay qalab ay Hay’adda lahayd iyo weliba dukaan ka tirsan dhismaha Xarunta Hay’adda, kaasi oo ay isna ka qaateen lacag badan.

Ka sii horna intii uu socday Dagaalkii sanadkii hore Muqdisho ka dhacay ee ay dadka badan ku dhinteen ayaa waxaa Xarun ay Hay’adda ku lahayd nawaaxiga Hotelkii Towfiiq waxaa soo gaartay duqeyn xooggan, iyadoo ay qaar ka mid ah Shaqaalaha Hay’addana ay dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay duqeyntaas.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Hay’adda Daryeel Bulsho Guud ee DBG ayaa waxay ka mid tahay Hay’ado dhowr ah oo howlo samafal ah ka waday inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye, halkaasi oo ay ku barakaceen dad badan oo ka cararay dagaallada ka dhacaya Magaalada Muqdisho.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia