Talaado, January 08, 2008(HOL): Dagaal la isugu adeegaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa maanta wuxuu ka dhacay deegaano ka tirsan Gobollada Banaadir iyo Shabeelaha Hoose.
Dagaal ka dhacay Gobolka Banaadir, gaar ahaan Degmooyinka Huriwaa iyo Dayniile ayaa wuxuu dhexmaray Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo iskaashanaya iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda, kuwaasi oo indhawaalaba ay dagaallo ku dhexmarayeen gobolka Banaadir.
Dagaal saaka barqadii ka dhacay Deegaanka Tubada ee Degmada Dayniile oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeday ayaa waxaa ku geeriyootay 2 ruux, halka ay ku dhaawacmeen labo ruux oo kale, kuwaasi oo dhamaantood ahaa dad rayid ah oo weliba halkaas barakac ku tegay, kadib markii ay guryahoodii Xamar noqdeen aag dagaal.
Dagaal kale oo maanta duhurradii ka dhacay Xaafadaha Godey iyo Cali Turcaaye oo ka tirsan Deegaanka Suuqa Xoolaha ee Degmada Huriwaa ayaa wuxuu dhexmaray Ciidamo Itoobiyaan iyo Soomaali isugu jira iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda, wuxuuna dagaalkaasi ahaa mid aad u culus oo la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, sida uu Idaacadda Horn Afrik u sheegay Wariye madax-bannaan oo lagu magacaabo Maxamed Tima-cadde.
Wariyahan wuxuu sheegay in dad tiro-yar oo ku noolaa deegaannada uu dagaalka ka dhacay ay guryahoodii ka carareen, isagoo xusay in ay dadkaasi u badnaayeen dhalinyaro guryahooda ilaashaneysay si aan looga bililiqeysan.
Sidoo kalena maanta gelinkii hore ayaa waxaa weerar loo adeegsaday Bambooyinka gacanta laga tuuro iyo Baasuukayaal waxaa lagu qaaday Xarunta Warshaddii Baastada oo fariin u ah Ciidamo Itoobiyaan ah, waxaana la sheegay in ay Ciidamada Itoobiyaanka iyana rasaas iyo madaafiic ku jawaabeen kadib markii weerarkaas lagu qaaday.
Goob-jooge ku sugnaa meel aan u dheereyn Warshaddii Baastada markii weerarka lagu qaadayay ayaa wuxuu sheegay in ay indhahiisa qabteen ruux meyd ah iyo qof kale oo dhaawac ah oo gaari gacan lagu waday, kuwaasi oo dhamaantood ahaa dad rayid ah oo ay haleeshay rasaastii ay labada dhinac isku ridayeen.
Ugu dambeyntiina, Dagaal u dhaxeeyay Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka dhacay Degmada Wanla-weyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa uu sababay dhimashada 3 ruux iyo dhaawac 5 ruux gaaraya, kuwaasi oo u badnaa Dad rayid ah oo iyagoon filaneynin uu dagaalka ka dul-qarxay.
Ciidamada Dagaalamay ayaa la sheegay in uu dagaalkooda salka ku hayay ka talinta Wadada dhexmarta Degmada Wanla Weyn ee isku xirta Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo, taasi oo la sheegay in gaadiidka isticmaala lacag looga qaado, sidaas darteedna uu dhinac kasta oo ka mid ah dhinacyada dagaalamaya uu doonayo in uu ka taliyo, uuna lacagtaas uruursado.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia