Talaado, January 08, 2008(HOL): Xukuumadda Somaliland, ayaa Qaramada Midoobay iyo Ururada Caalamiga ah ee sama-falka ugu baaqay inay saldhigyadooda u soo raraan Hargeysa, haddiibay xaaladaha cakiran ee Magaalooyinka Somalia sidan ku sii socoto iyo sidoo kale shaqaaqada ka taagan dalka Kenya.
Sida uu sheegay Wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliland Md. Cali Ibraahim Maxamed (Sanyare), ayaa shirjaraa’id oo uu ku qabtay Xafiiskiisa kaga hadlay ujeedada baaqan ay xukuumaddu ka wadday iyo sidoo kale cidda ay gaadhsiiyeen. “Haddii imika ay Xaaladda nabadgelyada ee Kenya xumaato, waxa qasab ah oo sharciga Qaramada Midoobayna u ogolaanayaa in ay haddana meel kale u raraan. Markaa baaqan aanu ugu baaqnay wuxuu yahay, marka ay tallaabadaa qaadayaan inay baaqayaganna tixgeliyaan, oo mar haddii ay Somaliland iyo Hargeysa nabad tahay, inay halkan u soo guuri karaan ama ay u soo diran karaan Shaqaalaha nala shaqeeya, si aanay haba yaraatee dib ugu dhicin.” ayuu yidhi Wasiirku, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Waayo haddii ay sidan ku sii socoto, waxa dhici kara in hawlihii aanu wada wadnay ay dib u dhacaan. Markaa baaqanna waa mid ku socda Qaramada Midoobay iyo ururada samafalka ee Caalamiga ah kulligoodba. Shalayna shir baanu kula yeelanay qolada Wakiilada ee Hargeysa jooga, oo aanu baaqaa u sheegnay, una sheegnay inay gaadhsiiyaan Xarumahoodii, in baaqani uu yahay mid aanu ku casuunay inay halkan hawshoodii ku gutaan. “
Wasiirku waxa kale oo uu sababeeyay baahida keentay inay Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Ururada samafalka ee Caalamiga ah ugu baaqaan inay Xarumo ka dhigtaan Magaalada Hargeysa. Waxaanu sheegay inay ka hor tagayaan Xukuumad ahaan dib u dhac ku yimaada hawlaha ay Hay’adahaasi ka wadaan Somalia iyo Somaliland. “Dhawrkii cisho ee ay shaqaaqooyinku ka socdeen Kenya, hawshii hoos bay u dhacday, sidanna lama eegan karo, oo inaga (Somaliland) ayuunbay inaga xumaanayaan. Markaa markaanu aragnay dhibaatada ku iman karta hawlihii aanu la wadnay awgeed, ayaanu baaqan u soo saarnay.” ayuu yidhi Wasiirku.
Baaqan Xukuumadda Somaliland, ayaa waxa uu ku soo beegmay waqti ay Hay’adahii Qaramada Midoobay iyo kuwii ajaanibka ah ee kaleba shaqaalahahoodii ka daadguraynayaan Magaalooyin ka mid ah dalka Somalia, sababo ammaan-darro awgeed. Ka dib markii ay isa soo tareen falalka afduubyada, oo toddobaadyadii u dambeeyay aad ugu badnaa Magaalooyinka Somalia qaarkood.
Barkhad M. Kaariye, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland