Talaado, January 08, 2008(HOL): Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cumar Dalxa ayaa sharci darro ku tilmaamay in ay Dadka soo barakacay degaan Xarumaha Dowladda iyo Goobaha Danta guud ah sida Dugsiyada, Jaamacadaha iyo Isbitaallada.
Prof. Dalxa ayaa waxaa uu sheegay in aysan caqli-gal ahayn in ay Dadka degaan Xarumaha Dadka Soomaaliyeed wax loogu qaban lahaa, wuxuuna hoosta ka xariiqay in aan la yeeli karin in ay dowladda buush degto oo markaasina ay dadka wax ugu qabato, iyadoo xarumaheedii ay dad kale degan yihiin, sidoo kalena, Prof. Maxamed Cumar Dalxa waxaa uu sheegay in aaney macquul ahayn in ay Ardayda Soomaaliyeed ay waxbarasho la’aan ahaadaan goobihii ay wax lagu bari lahaana ay Dad deegaan ka dhigtaan.
“Dadka Degan Dugsiga Tababarka Farsamada Gacanta meesha wey ku soo qaxeen maahee weligood ma deganeyn, sidaas darteed waa in ay aadaan meelihii ay ka yimaadeen”ayuu yiri Prof. Dalxa oo intaas ku sii daray “Aniga waxaan qabaa in dadka degan xarumaha Dowladda iyo kuwa danta guud ay ka guuraan, kadibna ay tagaan meelo wax loogu qaban karo”ayuu yiri Prof. Dalxa oo sheegay in ay Dowladda diyaar u tahay in ay wax u qabato dadka soo barakacay ee ku sugan gudaha Dalka Soomaaliya.
Hadalka Prof. Dalxa ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Dad degan muddo 17 sano ah Dugsigii Tababarka Farsamada Gacanta ay diideen in ay u hoggaansamaan amar ka soo baxay maamulka Gobolka Banaadir oo ahaa in ay halkaas isaga guuraan, iyadoo dadkaasina ay ku doodayaan in aysan aqoonin meel ay u guuraan, sidaas darteedna ay halkaas sii deganaan doonaan ilaa iyo inta ay Dowladda Federaalka uga sameyneyso meel ay degaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia