Talaado, January 08, 2008(HOL): Madaafiic ay xalay isugu adeegsadeen magaalada Muqdisho Ciidamada Itoobiya iyo Kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda joogitaankooda Soomaaliya ayaa qaarkood waxay ku dhaceen guryo ay dad rayid ah ku noolaayeen, iyadoo la xaqiijiyay in ay madaafiicdaas geysteen khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.
Madfac ku dhacay guri ku yaala agagaarka Warshaddii Caanaha ee Degmada Hodan ayaa wuxuu geystay dhimashada Nin Oday ah iyo dhaawaca wiil yar oo uu dhacay, kuwaasi oo la sheegay in ay hurdayeen markii uu madfaca ku soo dhacayay.
Madfacaas oo aan la ogeyn cidda soo tuurtay ayaa waxaa uu ahaa mid hurdada ka toosiyay dad yar oo weli ku nool nawaaxiga Warshaddii Caanaha, iyadoo ay xusid mudan tahay in ay inta badan dadkii halkaas deganaa ay mar hore isaga carareen.
Madfac kale ayaa isna wuxuu xalay ku dhacay Guri ku yaala Xaafadda Juungal ee Degmada Yaaqshiid, inkastoo aan la soo sheegin khaaare uu madfacaas u geystay reer ku noolaa guriga uu ku dhacay, marka laga reebo burbur uu guriga soo gaarsiiyay.
Marka ay madaafiicdaas ku dhacayeen Xaafadaha ka tirsan Degmooyinka Yaaqshiid iyo Hodan ayaa waxaa qeybo ka mid ah Wadada Warshadaha ka dhacayay iska hor-imaad hubeysan oo u dhaxeeyay Ciidamada Itoobiya iyo Kooxo hubeysan oo ka horjeeda, kuwaasi oo habeennadii magaalada Muqdisho ku dagaalama.
Dhanka kalena, saaka markii uu waaga baryay ayaa Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u hubeysan waxay howlgallo ka bilaabeen qeybo ka mid ah Wadada Warshadaha ilaa Ex-Koontarool Afgooye, halkaasi oo ay dadka iyo gaadiidkaba ku baarayeen.
Howlgallada ay Ciidamadan sameynayaan ayaa waxay hakad geliyeen Gaadiidkii BL-ka ahaa ee isaga kala gooshayay Suuqa Xoolaha iyo Bakaaraha, kuwaasi oo markoodii horeba meelo yar ka mari jiray Wadada Warshadaha, waxayna taasi dad badan ku kaliftay in ay saaka guryahooda iska joogaan kadib markii ay waayeen gaadiid ay soo raacaan, halka kuwo kalena ay wareeg dheer soo galeen si ay u gaaraan Suuqa Bakaaraha oo ay mehrado ganacsi ku leeyihiin.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia