Arbaco, January 30, 2008(HOL): Waxaa ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Beledweyne Shaqaalihii hay'adda MSF-Swiss ee Gacanta ku heysay Isbitaalka Guud ee magaalada Beledweyne sida HOL ay u xaqiijiyeen qaar ka mid ah Mas'uuliyiinta Caafimaadka Gobalka.
Shaqaalaha hay'adda ee Maanta ka dhoofay Magaalada Beledweyne oo ka koobnaa 8 dhaqtar oo isugu jira kuwo qaabilsanaa dhinaca qaaliinka iyo Daaweynta Caruurta ayaa bixitaankoodan lagu macneeyay cabasho la xiriirta Weerarkii dhawaan ka dhacay Magaalada Kismaayo ee lagu qaaday shaqaale ka tirsanaa hay'adda MSF kasoo ay ku geeriyoodeen qaar ka mid ah dhaqaatiirtii hay'adda.
Shaqaalaha hay'adda ee ka dhoofay maanta Garoonka Diyaaradaha Magaalada Beledweyne ayaa sheegay in ay dib u soo laabanayaan laakiin bixitaankooda uu yahay mid ku saleysan uun shaqo joojinta guud oo ay shaqaalaha hay'adda ka sameynayaan Dalka Soomaaliya sidaana waxaa u sheegay HOL Dr. Max'ed Xuseen Xalane.
Bixitaanka Dhaqaatiirtan ayaa saameyn muuqta ku yeelan doonta dhaq-dhaqaaqii dhinaca Caafimaadka ee ka jiray Isbitaalka Guud ee Magaalada Beledweyne oo ay hadda jifaan in ka badan 300 oo bukaan ah kuwaasoo isugu jira qeybaha Bulshadda kadib markii ay joogsadeen howlihii dhinaca caafimaadka ee ka jiray Isbitaalka, inkastoo haddana wali ay jiraan dhaqaatiirtii Soomaalida ahaa ee la shaqeynayay kuwa Ajnabiga ah ee maanta baxay.
Isbitaalka Guud ee Magaaladda Beledweyne ayaa la furay bartamihii Sanadkii aynu soo dhaafnay kadib markii uu isbitaalku xirnaa in ka badan 8 sano taasoo ay si weyn u soo dhaweeyeen dadka ku dhaqan guud ahaan Gobalka Hiiraan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Shaqaalihii Hay’adda MSF-Swiss oo isaga baxay magaalada Beledweyne
More News
- Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka hadashay Ciidamo Itoobiyaan iyo Soomaali ah oo ka baxay Fariisimo ay Muqdisho ku lahaayeen
- Maamulka Gobolka Banaadir oo Dilalka ka dhaca magaalada Muqdisho ku eedeeyay Ururka Al-Shabaab
- Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo soo dhaweeyay Ciidamada ka baxay fariisimadii ay Muqdisho ka deganaayeen
- Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Cape Town oo dadaal ugu jirta sidii ay u sameysan lahayd Maamul ay ku mideysan tahay
- Ciidamada Itoobiya oo qab-qabasho iyo dhaawac isugu daray Dad doonayay in ay galaan Xerooyin loo sheegay in ay Ciidamada ka baxeen
- Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo dhac ka geystay Xaafado ka tirsan Degmada Wadajir
- Ciidamo Itoobiyaan iyo Soomaali ah oo xalay isaga baxay fariisimo ay ku sugnaayeen oo ku yaala Magaalada Muqdisho