Arbaco, January 30, 2008(HOL): Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa soo dhaweeyay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee ka baxay fariisimo ay ku lahaayeen Magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan wax kasta oo bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho dhibaatada looga dul-qaadayo, wuxuuna sheegay in tallaabadii ciidamada lagu dejiyay fariisimada ay ka guureen ay ahayd mid qaldan.
“Wax kasta oo bulshada wax ku ool u ah oo danaha bulshada qeyb lixaad leh ka gelaya waan soo dhaweyneynaa, jidadka haddii ay furmeen oo la gartay in wixii markii horeba loo xiray ay ahaayeen wax aan micno ku fadhin waan soo dhaweyneynaa, Golahana waxay ila tahay horumarka reer Muqdisho iyo Dadka Soomaaliyeed oo dhan waa soo dhaweynayaa”ayuu yiri Maxamed Xasan Xaad.
Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye waxaa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay in ciidamada laga raray fariisimadii ay Muqdisho ka deganaayeen ay ka dambeeyeen wada hadallo dhexmaray iyaga iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dhanka kalena, Afhayeenka Siyaasadda Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye C/llaahi Xasan Abuukar (C/llaahi Dheere) ayaa shacabka soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa doonaya in ay ku laabtaan xaafadahooda oo fariisimadaas u dhow waxaa uu ugu baaqay in aysan ku deg-degin degista guryahooda, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay jiri karaan khataro dadka soo gaari kara, bacdamaa ay xaafadahoodii iyo guryahoodii noqdeen meelo ay ciidamo deganaayeen, weliba dagaallo ay ka dhaceen.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia