Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo dhac ka geystay Xaafado ka tirsan Degmada Wadajir

Arbaco, January 30, 2008(HOL): Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta  waxay dhac ka geysteen xaafado ka tirsan Degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Ciidamadan oo markii hore la sheegi jiray in ay meelo luuqyo ah dadka ku dhacaan ayaa saaka waxay u soo baxeen bannaanka, waxay dad badan ku dhaceen Isgoyska KM5, gaar ahaan dad socoto ah iyo dad ku ganacsanayay nawaaxiga Daarta Zoope.

Goob-jooge halkaas ku sugan ayaa sheegay in ay Ciidamada dadka joojinayeen kadibna ay ka qaadanayeen lacag iyo Taleefoonnada Mobile-ka wixii ay heystaan, iyadoo xitaa ay baarteen haween Shaah ku iibinayay nawaaxiga Isgoyska Zoope.

Goob-joogahani waxaa uu intaas ku daray in Ciidamada dhaca geystay oo ah kuwo shalay ka guuray Fagaaraha Tareebuunka ay xitaa baarteen dad ku fadhi-ku-dirirayay meel lagu shaaho oo ku taala Isgoyska KM5, kuwaasi oo qaarkood laga qaatay Taleefoonno Mobiles ah oo ay heysteen.

Dhaca ay Ciidamadan kula kaceen Dadka ku dhaqan nawaaxiga Isgoyska KM5 ee magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka iyo kuwo kale oo Itoobiyaan ay isaga baxeen fariisimo ay kaga sugnaayeen magaalada Muqdisho, inkastoo weli jiraan ciidamo weli ku siisugan fariisimada ay Ciidamada ka baxeen.

Muddooyinkan ayay soo badanayeen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo dadka dhac u geysta, walow ay saraakiisha Ciidamada Dowladda ay sheegaan in ragga dhaca geysta aysan ahayn ciidamo sax ah oo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay labiska soo xirteen.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia