Maamulka Gobolka Banaadir oo Dilalka ka dhaca magaalada Muqdisho ku eedeeyay Ururka Al-Shabaab

Maxamed Dheere: “9 Guddoomiye Degmo iyo Dad kale oo qaali ahaa ayaa nalaga dilay kuwaasoo haddii maanta ay  xirnaan lahaayeen la sii deyn lahaa”

Arbaco, January 30, 2008(HOL): Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta wuxuu shaaca ka qaaday in dilalka iyo falalka ammaan darrada ah ee ka jira Magaalada Muqdisho uu ka dambeeyo Ururka Al-Shabaab.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) oo maanta ka hadlayay shir uu isugu yimid Guddiga Ammaanka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Ururka Al-Shabaab uu ka dambeeyo dilalka ka dhaca magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in dadka dilkaas geysanaya ay yihiin kuwo sida uu yiri damiir laawayaal ah oo aan aqoonin wax aan ka ahayn in ay dhiig daadiyaan.

Maxamed Dheere waxaa uu sheegay in Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo ka shidaal qaadaneysa qorshaha Dib u heshiisiinta Qaranka ay sii deysay Dad u xirnaa Dowladda oo mucaarad ahaa, wuxuuna sheegay in Dowladda ay kaliya dadka xirto balse dhinaca ka soo horjeeda uu dadka dilo, isla markaana maamul ahaan laga dilay 9 Guddoomiye Degmo iyo dad kale oo uu sheegay in ay ahaayeen kuwo qaali ah.

“9 Guddoomiye Degmo iyo Dad kale oo qaali ahaa ayaa nalaga dilay kuwaasoo haddii maanta ay  xirnaan lahaayeen la sii deyn lahaa” ayuu yiri Maxamed Dheere oo ugu baaqay dad uu ugu yeeray kuwo Miyir leh in ay ka qeybqaataan Dib u heshiisiinta iyo Nabadeynta Soomaaliya.

Ugu dambeyntiina, Maxamed Dheere waxaa uu ugu baaqay Dadka Soomaaliyeed in ay ku dadaalaan afar arrimood oo kala ah Nabadgelyada, Wax soo saarka, Wacyigelinta Arrimaha Bulshada iyo Nadaafadda, kuwaasi oo uu sheegay in haddii lagu dadaalo la heli doono dal wax soo saar leh oo lagu noolaan karo nabadgelyo iyo sixo ahaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia