Sabti,, January 26, 2008(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa shaaca ka qaaday inuu dabayaaqada bishan dib ugu laabanayo Soomaaliya, isagoo caddeeyay in uu caafimaadkiisa wanaagsan yahay oo uu ladnaaday.
Madaxweynaha oo u waramayay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay in uu sugayo kaliya jawaabihii ugu dambeeyay oo ay dhaqaatiirtiisa siinayaan, wuxuuna markaasi kadib sheegay in uu dib ugu laabanayo dalka Soomaaliya oo ay howl badan ku sugeyso.
Mar wax laga weydiiyay madaxweynaha waxa ka jira wararka sheegaya inuu madaxweynaha mar kale iska bedelayo Beerkii kal hore laga bedelay ayaa wuxuu sheegay in ay warkaas sheegeen sida uu u yiri si xun wax u sheegga fidnada ka shaqeeya, Argagixisada, kuwa aan qarannimada rabin, muqaawamada iyo kuwa aan dooneynin in ay Soomaaliya sharafkeedii la soo laabato
“Adeer beerkeyga kii aan ku dhashay markii uu fayoobaa oo aan la bedelin oo aan dhalinyarada ahaa sidii uu ahaa ayuu yahay wax dhib ahna ma qabo”ayuu yiri Madaxweyne Yusuuf oo sheegay in uusan jecleyn in uu ka fariisto howsha uu ka hayo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha waxaa uu sheegay in uu kula kulmay Magaalada London madax ka socotay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Wasaaradda Britain u qaabilsan Arrimaha Afrika, wuxuuna sheegay in ay madaxdaas isla soo qaadeen sidii ay Dowladda Britain gacan u siin lahayd Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed waxaa wax laga weydiiyay kulan dhawaan dhexmaray madaxweynaha Somaliland Daahir Riyaale Kaahin iyo madax ka tirsan Dowladda Britain, wuxuuna sheegay in madaxdii uu la kulmay ay u sheegeen in ay ku yiraahdeen Madaxweyne Riyaale in ay marka hore wada fariistaan oo ay heshiiyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo beryahan la hadalayay in uusan caafimaadkiisa wanaagsaneyn ayaa haatan wuxuu ku adkeysanayaa in uu ladnaaday oo uu caafimaad qabo, isla markaana uu sii wadanayo howsha uu ka hayo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia