Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ka qeybgalay Ciyaartii kama dambeysta ahayd ee Horyaalka 24aad ee Gabdhaha Kubadda Kolayga


Sabti, January 26, 2008(HOL): Wasiirka Warfaafinta, Dhalinyarada iyo Isboortiga, ahna Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed C/salaan Xaaji Aadan ayaa shalay wuxuu ka qeybgalay ciyaar Isboorti oo lagu soo gunaanadayay Horyaalka Kubadda Kolayga Gabdhaha Soomaaliya.

Wasiirka iyo mas’uuliyiin la socday oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay fiirsadeen ciyaar dhexmartay Kooxaha Gabdhaha Kubadda Kolayga Horseed iyo Heegan, taasi oo ku dhamaatay 49 iyo 48 oo ay guushii ku raacday kooxdii Kubadda Kolayga ee Horseed.

Ciyaartaas oo ka dhacday Garoonka Kubadda Kolyaga 1-da Luulyo Ex-Luujino ayaa waxaa kale oo ka qeybgalay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, Jen. Maxamed Siciid Xirsi Moorgan, Cumar Aweys Nuur Dacas oo ka mid ah Guddoomiye ku xigeennada Maamulka Gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin kale oo ka socday qeybaha kala duwan ee Isboortiga Soomaaliyeed, kuwaasi oo ay horkacayeen Guddoomiyaha GOS C/qaadir Ibraahim Gacal Abkow iyo ku xigeenkiisa Aadan Xaaji Yabarow Wiish.

Wasiirka  Warfaafinta, Dhalinyarada iyo Isboortiga Soomaaliya Axmed Cabdisalaan Xaaji Aadan ayaa wuxuu noqday Wasiirkii ugu horeeyay oo howshii shaqo si rasmi ah uga bilaabay Magaalada Muqdisho, wuxuuna dhawaan ka qeybgalay xus loo sameeyay maalinta Warbaahinta Soomaaliyeed, taasi oo uu soo abaabulay Isbaheysiga Difaacayaasha Xoriyadda Hadalka Soomaaliyeed (SOFEX).

Wasiirkan oo ka mid ah 18ka wasiir ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan wuxuu shaaca ka qaaday in uu doonayo in howsha loo xil-saaray uu ku baahiyo dhamaan Gobollada Dalka Soomaaliya oo uu booqashooyin ku tegi doono, wuxuuna shalay booqday bahda Isboortiga oo ka mid ah Wasaaraha hoos-yimaada.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Axmed C/salaan Xaaji Aadan ayaa wuxuu ka mid yahay Wasiirro dhowr ah oo dhawaan Muqdisho la yimid Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo sheegay in Xukuumaddiisa ay ku howlgeli doonto magaalada Muqdisho.




Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia