Madaafiic Hoobiyayaal ah oo xalay dad 10 ruux gaaraya ku dhaawacday magaalada Muqdisho

Sabti,, January 26, 2008(HOL): Xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa lagu garaacay madaafiic hoobiyayaal ah, kuwaasi oo qaarkood ay ku dhaceen guryo ay dad rayid ah ku noolaayeen, halka kuwo kalena ay ku dhaceen xarunta Idaacad dhawaan laga furay Muqdisho oo lagu magacaabo Codka Nabadda.

Madaafiicdaas oo ku dhacay nawaaxiga Isgoyska Km4 oo ay ku taallo Xarunta Idaacadda Codka Nabadda iyo meel aan u dheereyn Xarunta Hay’adda CRD ayaa waxaa ku dhaawacmay dad tiradooda gaareyso 10 ruux, kuwaasi oo afar ka mid ah ay yihiin caruur ay da’dooda aad u yar tahay.

Madaafiicdaas oo aan la ogeyn meel laga soo tuuray ayaa waxay wel wel iyo walaac ku abuureen dadka ku dhaqan Degmada Hodan oo iyagu maqlayay dhawaqa madaafiicdaas, iyadoo dadkaas qaarkood ayba guryahoodii ka carareen.

Dhawaan ayay ahayd markii madaafiic dhowr ah lagu tuuray Xarunta Villa Somalia iyo Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo qudhooda geystay dhaawac iyo dhimasho soo gaaray dad ku sugnaa agagaarka garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Dhanka kalena magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ayaa maanta waxay tahay mid degan oo aysan wax iska hor-imaadyo ah, waxayna dadka si caadi ah u wataan howl maalmeedyadooda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia