Sabti, January 26, 2008(HOL): Agaasimaha Idaacad lagu magacaabo Codka oo dhawaan laga furay magaalada Muqdisho oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Idaacaddaas ayaa beeniyay war ay sii daayeen qaar ka mid ah Website-yada Soomaalida, kaasi oo ahaa in Idaacadda Codka Nabadda uu furtay Afhayeenka Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ninka lagu magacaabo Xuseen Maxamed Maxamuud (Xuub-sireed).
Agaasimaha Idaacadda Codka Nabadda Maxamed Cali Cirroole ayaa sheegay in warka ay tebiyeen websiteyadaas ay yihiin kuwo aaney waxba ka jirin, wuxuuna caddeeyay in Idaacaddooda ay tahay mid dhexdhexaad ah oo aan dhinacyada isku haya Soomaaliya aan midkood raacsaneyn.
Maxamed Cali Ciroole waxaa uu intaas ku daray in Idaacaddan oo faracyo kale ku leh Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Boosaaso uu leeyahay nin Aqoonyahan ah oo lagu magacaabo Prof. Axmed Cali Axmed oo ka mid ah Professor-radii wax ka dhigi jiray Jaamacaddii Umadda Soomaaliyeed.
Agaasimaha Idaacadda Codka Nabadda waxaa uu sheegay in uu magac ahaan yaqaano Afhayeenka Madaxweynaha Xuseen Xuub-sireed hayeeshee aysan aqoon isu lahayn, wuxuunta intaas sii raacayay in warka laga qoray uu ahaa mid ujeeddo laga leeyahay oo uu tuhmayo in ay qoreen dad idaacadda shaqo ka waayay waa sida uu hadalka u dhigaye.
Shirka jaraa’id ee uu qabtay Agaasimaha Idaacadda Codka Nabadda ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo shalay maqribnimadii uu madfac hoobiye ah ku dhacay Xarunta Idaacaddaas oo ku taala nawaaxiga Isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho, iyadoo halkaasina uu ku dhaawacmay mid ka mid ah howl-wadeenada Idaacadda.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia