Arbaco, January 16, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxay sheegayaan in maanta uu halkaas ka dhacay iska hor-imaad dhexmaray Ciidamada Ammaanka Kismaayo iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday.
Warar kala duwan ayaa waxay ka soo baxayaan waxyaabihii dhaliyay iska hor-imaadkaas, waxayna wararka qaarkood sheegayaan in iska hor-imaadka dhexmaray labada dhinac uu salka ku hayo muran ka dhashay raashin mucaawino ah oo lagu qeybinayay Xaafadda Via Af-Madow ee magaalada Kismaayo, halka warar kalena ay sheegayaan in labada dhinac ee dagaalamay ay horay isu raadsanayeen.
Taliyaha Ciidamada Ammaanka Galbeedka Kismaayo Maxamed Buullow Ibraahim ayaa sheegay in iska hor-imaadka uu dhexmaray Ciidamadiisa iyo kooxo doonayay inay boobaan raashin ay Hay’adda Himilo Foundation oo wakiil ka ahayd Hay’adda WFP ay qeybineysay, wuxuuna caddeeyay in uu iska hor-imaadkaas askari kaga dhintay, isagana uu dhaawac ka soo gaaray.
Laakin waxaa warkaasi beeniyay C/Maalik C/llaahi oo ka mid ah mas’uuliyiinta Hay’adda Himilo Foundation ee raashinka qeybineysay, wuxuuna sheegay in iska hor-imaadka uu dhexmaray Ciidamada Ammaanka Galbeedka Kismaayo iyo Rag hubeysan oo uusan sheegin waxa ka dhaxeeyay, wuxuuna farta ku fiiqay in meesha raashinka ay ku qeybinayeen iyo halka uu dagaalka ka dhacay ay wax xoogaa isu jireen.
Ma jirto cid labada dhinac ka madax bannaan oo ilaa iyo haatan xaqiijisay waxa uu rasmi ahaan dagaalkaas maanta ka dhacay magaalada Kismaayo uu salka ku hayay marka laga reebo wararka is-khilaafsan ee ay sii daayeen Mas’uulka u hadlay Hay’adda Himilo Foundation iyo Sarkaalka madaxda u ah Ciidamada Ammaanka Galbeedka Kismaayo.
Dhowr maalmood ka hor ayay ahayd markii uu iska hor-imaad dhexmaray Ciidamada Ammaanka Galbeedka Kismayo iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday, iyadoo uu iska hor-imaadkaasna sababay dhimashada hal ruux iyo dhaawaca labo kale oo rayid ahaa.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia