31 Dukaan oo ay Dad Soomaali ah leeyihiin oo lagu bililiqeystay magaalada Jeffrey's Bay ee South Africa


Arbaco, January 16, 2008(HOL):  31 Dukaan oo ay ku ganacsadaan Soomaalida ku nool magaalada Jeffreys Bay oo 70km u jirta  magaalada Port Elizabeth ayaa gabi ahaantoodba la bililiqeystay.
 
Boobkan loo geystay dukaamada Soomaalida ayaa sabab u ahaa nin Soomaaliyeed oo dilay nin dadka deegaanka ah oo rabay in uu wax ka boobo, makraasi kadib ayaa Dadka deegaanka oo ka  oo careysan dilkaas waxay boobeen 31 Dukaan oo ay leeyihiin Dad Soomaaliyeed oo ku ganacsada magaalada Jeffreys Bay.
 
Waxaa hadda xiran labo dhallinyao ah oo Soomaaliyeed, waxaan halkaas ku hanti beelay dad gaaray ilaa iyo 100 qofood sida uu Hiiraan Online u xaqiijiyey Maxamed Tubi oo aan khadka telefoonka ku wareysannay. Maxamed Tubi waxaa uu intaas ku daray  in ay la ballansan yihiin madaxda degmada Jefferys's Bay, si ugala xaajoodaan  Boobka loo geystay Soomaalida ku ganacsata Dalka Koofur Afrika, gaar ahaan Magaalada Jeffreys Bay.

Dalka Koofur Afrika oo ay ku nool yihiin, kuna ganacsadaan Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa had iyo jeeraale waxaa loo geystaa falal isugu jira Dhac iyo Dil, kuwaasi oo ay geysanayaan Burcad u dhalatay Dalka Koofur Afrika oo la sheegay in ujeedada ugu weyn ee ay Soomaalida u bartilmaameedsanayaan ay tahay iyagoo ka maseyrsan ganacsiga xooggan oo ay Dadka Soomaaliya ku heystaan Dalka Koofur Afrika.

Ugu dambeyntiina, Ma ahan markii ugu horeysay oo dhac loo geysto Dukaamada ay Soomaalida ku leedahay Koofur Afrika, waxaana horay u jiray Ganacsato Soomaaliyeed oo horay loogu dhacay dalka Koofur Afrika, iyadoo ay sidoo kale jireen Dad lagu gubay Dukaamadooda xili ay hurdeen.

Wixii warar ah ee ku soo kordha Dukaamada Soomaaliyeed ee lagu dhacay Magaalada Jeffreys Bay ee Dalka South Africa kala soco Hiiraan Online haddii Alle idmo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia