Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka iyoMidnimada Beelaha Hawiye oo sheegay in Xalka Soomaaliya uu ku jiro Ciidamada Itoobiya oo Dalka ka baxa

Arbaco, January 16, 2008(HOL): Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad ayaa sheegay in xalka Soomaaliya uu ku jiro in ay Ciidamada Itoobiyaanka ka baxaan Dalka Soomaaliya.

Maxamed Xasan Xaad oo u waramayay Idaacadda Banaadir ee Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in aanu xalka Soomaaliya ku jirin beelo si gaar ah loola kulmo, wuxuuna carrabka ku dhuftay in inta ay Ciidamada Itoobiya Soomaaliya joogaan uusan dhaweyn xalka Soomaaliya.

“Haddii ay Ciidamada Itoobiyaanka baxaan, mushkiladda Soomaaliya waa ay dhamaaneysaa, dhinacyada Soomaalida ah ee uu khilaafka u dhaxeeyana waa ay wada fariisan karaan, isla markaana heshiin karaan”ayuu yiri Maxamed Xasan Xaad.

Maxamed Xasan Xaad waxaa uu sheegay in ay nabadgelyo u baahan yihiin Dadka ku dhaqan Gobolka Banaadir, hayeeshee waxaa uu ku nuuxnuuxsaday in aysan nabadgelyo heli karin iyadoo ay gudaha Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho ay ku sugan yihiin Ciidamo Itoobiyaan ah.

Hadalka Maxamed Xasan Xaad ayaa ku soo beegmay iyadoo muddooyinkan ay magaalada Muqdisho ka socdeen Kulamo uu shir guddoominayay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Maxamed Maxamuud Guuleed Gacma-dheere, kaasi oo looga hadlayay sidii ay Beesha Hagar-gidir uga qeyb-qaadan lahayd nabadeynta Magaalada Muqdisho.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia