Ururkii u horeeyay ee Haweenka Qareennada Somaliland oo lagu dhawaaqay

Arbaco, January 16, 2008(HOL): Ururkii u horeeyay ee ay yeeshaan Haweenka Qareennada Somaliland  ayaa maanta lagaga dhawaaqay Magaalada Hargeysa ee xarunta u ah Somaliland.

Ururkan oo ay soo abaabushay Kuuliyadda Sharciga ee Jaamacadda Hargeysa, ayaa waxa ka hadlay Masuuliyiin kala duwan oo ka mid ah Golayaasha Qaranka, Ururada Bulshada, Hay’adaha Sharciga iyo Kuuliyadda Sharciga ee Jaamacadda Hargeysa.

Ugu horayn waxa halkaa ka hadlay Dhiinka Kuuliyadda Sharciga ee Jaamacadda Hargeysa Maxamuud Faarax Xuseen, oo ka waramay ururkan. “SOWLA (Somaliland Women Loyers Association), waxa soo abaabushay Kuuliyadda Sharciga ee Jaamacadda, waxay ka mid noqon doonaan Dallad guud oo midaysa Ururada Sharciga. Waxaananu filaynaa inay ka madhnaan doonaan Caaddifadda” ayuu yiri

Sidoo kale waxa halkaa ka hadashay Ifraax Aadan Cumar oo ka mid ah labadii gabdhood ee ugu horeeyay ee Looyaro noqda. “Furitaanka ururkani waxay ii tahay farxad wayn, sababtoo ah waxaan kali ku ahaa hawshan Looyar-nimada” ayay tidhi Ifraax. Waxaanay sheegtay in hawlaha ururkani qaban doono ay ka mid tahay, kor u qaadidda aqoonta Sharciga ee Dumarka, inuu tabbabaro siiyo hablaha Sharciga barta iyo Ilaalinta xuquuqda Dumarka ee dhinaca sharciga.

Waxaa sidoo kale halkaa hadal ku saabsan munaasibadda furitaanka ka jeediyay Wasiirka Wershadaha Somaliland Maxamed Saleebaan Maxamuud, oo ka waramay muhiimadda Ururkani leeyahay iyo baahida loo qabay.

Sucaad Cabdi Ibraahim oo iyana ah gabadha labaad ee shaqadan kula kalida ahayd Ifraax, isla markaana ah Guddoomiyaha Dalladda Haweenka Somaliland ee NAGAAD, ayaa iyana halkaa ka hadashay. “Waxaan rejaynayaa in Ururkani qayb ka noqdo xalinta Mashaakilaadka dumarka haysta..Anaguna (NAGAAD ahaan) waxaanu ballan-qaadaynaa inaanu la qabano wixii itaalkayaga ah” ayay tidhi Sucaad.

Sidoo kale waxa halkaa ka hadlay Masuuliyiin ka socday Hay’adda UNDP, Ururka Qareenada Somaliland ee SOLLA, Xildhibaano iyo xubno kale oo muhiim ah.

Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland