Askari Itoobiyaan ah oo maanta lagu dilay gudaha Baydhabo, Qoray uu sitayna laga qaatay

Jimco, January 11, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta u ah Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in maanta Salaaddii Jimcaha kadib  halkaas lagu dilay askari ka tirsan CIidamada Itoobiyaanka ah ee magaalada ku sugan.

Wararku waxay intaas ku darayaan in Askarigaas oo isagoo Qorigiisa wata ka adeeganayay Suuqa Baydhabo uu weerar ku qaaday nin Mindi ku hubeysnaa, kaasi oo ku guuleystay in uu Askarigii Mindida ku dilo, dabadeedna uu ka qaato qorigii uu watay.

Markii uu dhacay dilka Askarigaas ayaa waxaa mar kaliya qasmay jawiga magaalada Baydhabo, waxayna dadkii ku ganacsanayay Suuqa Baydhabo ay xireen goobahooda ganacsiga, si aysan dhibaato ugu geysan Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federaalka ee magaalada ku sugan.

Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan magaalada Baydhabo ayaa waxay yihiin kuwo dadka iska dhex laafyooda iyagoo aan wadan wax hub ah oo aad u badan, hayeeshee wuxuu dilka askarigan u dirayaa farriin ah in aysan ka soo bixin xerooyinkooda sida maanta dhacday kadib markii askarigaas laga dilay.

Wuxuu ahaa Askarigii ugu horeeyay oo si toos ah  magaalada Baydhabo loogu dilo, marka laga reebo Askar uga geeriyootay Qarax loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, kaasi oo mar sii horeysay lagu qarxiyay Xero ay ka degan yihiin Magaalada Baydhabo oo ah Xarunta Warshaddii Oomada ee Avv. Xasey.

Ugu dambeyntiina, Xaaladda Magaalada Baydhabo ayaa waxay tahay mid kacsan, waxaana gudaha magaalada lagu arkayaa Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo qudhooda dareen qaba. Magaalada Baydhabo oo weli fariisin KMG ah u ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa dhawaanahan ka dhacayay falal nabadgelyo darro ah oo isugu jiray dilal, qaraxyo iyo weerarro lagu qaaday mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia