Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo sheegay in Itoobiya lagu dilay Afhayeenkii Dhaqanka Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali

Jimco, January 11, 2008(HOL): Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa wareysi uu siiyay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda Codka Mareykanka (VOA) wuxuu ku sheegay in gudaha dalka Itoobiya lagu dilay Afhayeenkii Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali iyo Nin kale oo lagu magacaabo Shiikh Axmed Cali Gees oo mar qura la wada qabtay.

Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo lagu cel celiyay weydiin ahayd in uu hubo dilka  Odayaashaas waxaa uu sheegay in ay xaqiiqo u hayaan in  la dilay, inkastoo uusan sheegin sida ay warka ku heleen.

Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, Shiikh Shariif waxaa kale oo wax laga weydiiyay waxa ka jira in uu xiriir dhexmaray iyaga iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in aysan jirin dowlad jirta oo ay xiriir la sameynayaan, "wuxuu jiri karaa wada hadal na dhexmara marka ay dalka ka baxaan ciidamada Itoobiyaanka ah ee Soomaaliya jooga"ayuu yiri Shiikh Shariif.

Shikh Shariif waxaa kale oo wax laga weydiiyay waxa ka jira warar sheegaya in uu jiro khilaaf u dhaxeeya Maxkamada Islaamka iyo Ururka Al-Shabaab, wuxuuna sheegay in Ururka Al-Shabaab uu ka mid ahaa aas-aasayaashii maxkamadaha Islaamka, isagoo ka gaabsaday in uu hoosta ka xariiqo dhab ahaanshaha warar ku saabsan in rag ka wada tirsan Ururka Al-Shabaab ay isku dhaceen oo uu khilaaf u dhaxeeyo.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Wareysiga uu Shiikh Shariif siiyay Idaacada VOA-da ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo beryahan ay soo baxayeen warar sheegayay in uu socdo dadaal ay wadaan Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay, kaasi oo la doonayo in lagu dhexdhexaadiyo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Asmara.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia