Jimco, January 11, 2008(HOL): Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta wuxuu shaaca ka qaaday in dayactir lagu sameynayo ilaa 8 Dugsi oo ku burburay dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay 17-kii sano ee aynu ka soo gudubnay.
Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ee dhinaca Arrimaha Bulshada Maxamed Cusmaan Cali Dhagax-tuur oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu dhawaan magaalada Muqdisho soo gaari doono Wafdi ka socda Dalka Imaaraadka Carabta, kaasi oo qiimeyn doona Dugsiyada ku burburay dagaalladii sokeeye, kadibna dayactir ku sameyn doona.
Maxamed Cusmaan Cali Dhagax-tuur waxaa uu sheegay in marka la dayactiro dugsiyadaas ay waxbarasho ku heli doonaan Caruur badan oo Soomaaliyeed oo ay waxbarasho la'aan heyso, wuxuuse ka gaabsaday in uu sheego in ay dugsiyadaas yihiin kuwii ku burburay dagaalladii hore iyo in ay yihiin kuwii ku burburay dagaalladii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho.
Dagaalladii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku burburay Goobo Waxbarasho, kuwo Caafimaad iyo kuwo ay dadka ka heli jireen adeegyo aas-aasi ah, kuwaasi oo haatan qaarkood aaney suurtagal ahayn in ay dib u howlgalaan burburka soo gaaray aawgiis.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia