Jimco, January 11, 2008(HOL): Habeenimadii xalay Abaare saacadu markey aheyd 8:30 fiidamo ayaa mar kaliya laga wada maqalay inta badan Xaafadaha Magaalada Beledweyne Qarax Bam kuwa Gacanta laga tuuro ah oo lagu weeraray Guriga Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed).
Qof Rayid ah ayaa inta la og-yahay ku dhaawacmay Weerarka lagu qaaday Guriga Gudoomiyaha kadib markii Ciidamada Gudoomiyuhu ku rideen Goobta Bam ka soo dhacay Rasaas Culus taasoo dhanka kale sababtay in ay xirmaan goobihii ganacsi ee Magaalada.
Gudoomiyaha oo Xiligaa ku sugnaa gudaha Guriga ayaa markii danbe la sheegay in uu ka baxay, waxaana warku intaa ku darayaa in Ciidamadu ka bilaabeen daafaha Guriga gudoomiyaha Baaritaan la xiriira sida ay wax u dhaceen.
Ma'aha markii ugu horeysay oo la weeraro Guriga Gudoomiyuhu ka degan yahay Magaalada Beledweyne, Bartamihii Sanadkii aynu soo dhaafnay ayeey aheyd markii Kooxo aan la garan weerar kan oo kale ah ku qaadeen Guriga gudoomiyaha Gobalka Inkastoo Bam lagu Tuuray Guriga uu ku dhacay Xafiiska Xarunta Cilimi Baarista iyo Watashiga CRD oo aan ka fogeyn hooyga Gudoomiyaha Gobalka.
Weerarka habeenimadii xalay ayaa ku soo beegmay xili maalitii shalay Gudoomiyuhu uu sheegay in Saldhiga Booliska iyo Nabad-galyada Guud uu ku wareejiyay Ciidamo dhawaan lagu soo tababar Deegaanka Carmo oo ka tirsan Maamul Gobaleedka Puntland, isaga oo sheegay in uusan Aqoonsaneyn jiritaanka Ciidamadii hore ee Booliska " Waxa dadka weerarinaya Waa Ciidamadii Baliiska ee ka Tirsanaa Dowladii hore ee la riday, Dalka Dowlad ayaa ka jirta sidaa daraadeed ma aqoonsanin wax ka baxsan Ciidamada Dowlada hadda jirta ay qoratay ayuu Yiri Gudoomiyaha Gobalka.
Sikastaba Weerarada iyo Qaraxyada ka dhacay qeybo ka mid ah Gobalka ayaa u muuqda kuwo sare u sii kacaya, waxaana soo baxaya Su'aalo dadka intiisa badan iska weydiinayaa aritaa iyada ah gaar ahaan sameyta Weerarada iyo Qaraxyada lagu u gaarsanayo Mas'uuliyiinta Maamulka ku yeelan karaa Nolasha dadka Caadiga ah.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo mar kale ka badbaaday isku-day lagu dili lahaa
More News
- Askari Itoobiyaan ah oo maanta lagu dilay gudaha Baydhabo, Qoray uu sitayna laga qaatay
- Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo sheegay in Itoobiya lagu dilay Afhayeenkii Dhaqanka Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali
- Afhayeen u hadlay Ciidamada AMISOM oo beeniyay warar ay sii daayeen qaar ka mid ah Idaacadaha Muqdisho
- Maamulka Gobolka Banaadir oo sheegay in la dayactirayo Dugsiyo ku burburay dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay