Maamulka Gobolka Banaadir oo Garaadooyin ka rifay Saraakiil ka tirsanaa Dowladda Hoose

Sabti, February 09, 2008(HOL): Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta wuxuu Garaadooyin ka rifay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Dowladda Hoose, kadib markii sida uu maamulka sheegay la ogaaday in ay Garaadooyinkaas ahaayeen kuwo been abuur ah oo aan sax ahaynn.
 
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho oo maanta cashar ka bixinayay seminaar loo furay Ciidamo ka tirsan Dowladda hoose ayaa wuxuu sheegay in ay jiraan Ciidamo ku howlgala darajooyin aysan lahayn, wuxuuna amar ku bixiyay in saraakiishaas isla seminaarka gudahiisa  looga rifo darajooyin ay garbaha ku siteen.

Qaar ka mid ah Saraakiishii Darajooyinka laga rifay ayaa ku dooday in lagu xad-gudbay, isla markaana ay si sharci ah ku qaateen Darajooyinka ay xirnaayeen, iyagoo caddeeyay in ay cabasho ka gudbin doonaan tallaabada uu ka qaaday Maamulka Gobolka Banaadir.

Laakin Agaasimaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir  C/rashiid Ibraahim Maxamed ayaa sheegay in Saraakiisha Darajooyinka laga xayuubiyay ay ahaayeen kuwo in muddo ahba baaris lagu hayay oo ku labistaa darajooyin aysan si sharci ah u qaadan.

Dhanka kalena, Seminaarka loo furay Ciidamada Dowladda Hoose oo lagu qabtay xarunta maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu baranayay Arrimaha Dhaqaalaha, Dhulka Sharci-darrada loo dhistay, Nabadgelyada Nadaafadda, Dhowrista Nidaamka Gobolka Banaadir, iyadoo seminaarkana uu socon doono muddo 3 maalmood ah.

Ugu dambeyntiina, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa markii loo magacaabay xilka maamulka Gobolka Banaadir wuxuu digniin ku bixiyay in aan la ogolaan doonin in ay Ciidamada Dowladda Hoose sheegtaan darajooyin aysan lahayn, iyadoo maantana ay noqotay markii ugu horeysay oo uu tallaabo ka qaado Saraakiil lagu helay in ay sheegteen Darajooyin aysan gaarin.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia