Xarunta Hay’adda UNDP ee magaalada Muqdisho oo xalay la weeraray

Sabti, February 09, 2008(HOL): Waxaa xalay weerarro hubeysan oo labo jeer ah lagu qaaday Xarunta ay Hay’adda UNDP ku leedahay magaalada Muqdisho, inkastoo uusan weerarkaas geysan wax khasaare ah marka laga reebo burbur aan badneyn oo soo gaaray dhismaha xarunta.

Weerarrada hubeysan ee lagu qaaday Xarunta Hay’adda UNDP ee u dhow Garoonka Diyaaradaha  Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho oo labo jeer dhacay ayaa waxay ahaayeen qaarkood kuwo loo adeegsaday bambooyinka gacanta laga tuuro.

Dadka degan agagaaraha Xarunta Hay’adda ayaa waxay sheegeen in xalay fiidkii intii aan la weerarin Xarunta Hay’adda ay soo gaareen digniino ku saabsan in ay xiraan goobahooda ganacsiga, isla markaana ay guryahooda ku xaroodaan iyadoo kadibna uu dhacay weerarka lagu qaaday xarunta Hay’adda UNDP.

Lama yaqaano ilaa iyo haatan ciddii weerarka ku qaaday xarunta Hay’adda UNDP, sidoo kalena ma jiraan mas’uuliyiin u hadlay Hay’addaas oo sheegay cidda weerarka ku soo qaaday.

Xarunta ay degan tahay Hay’adda UNDP ayaa waxaa ku yaala xafiisyo kale oo ay leeyihiin Hay’ado UN-ka ka tirsan, iyadoo ay xusid mudan tahay in saraakiisha UN-ka ka socda ee Muqdisho yimaada ay halkaas ku qaabilaan dadka ay dooanayaan inay la hadlaan marka laga reebo madaxda Dowladda Federaalka oo ay fariisimadooda ugu tagaan.

Dhawaan ayay markii ay kooxo hubeysan weerar ku qaadeen Xarunta Hay’adda Daryeel Bulsho Guud (DBG) ee ku taala Deegaanka KM13, isla markaana ay halkaas ka qaadeen qalab ay Hay’adda lahayd iyo weliba Lacag badan oo Shillin Soomaali ah oo taalay Dukaan ku yaala dhismaha Xarunta Hay’adda.

Ka sii horna waxaa weerarro lagu qaaday  dabadeedna la dhacay Gaadiid u shaqeynayay Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed iyo Hay’adda DBG, iyadoo weerarkaas lagu dhaawacay shaqaale u shaqeynayay labadaas Hay’adood.

Weerarrada lagu qaado Xarumaha Hay’adaha Samafalka ayaa waxay qeyb ka noqonayaan nabadgelyo darrada ka jirta Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Caasimadda Muqdisho oo mar kasta ay ka dhacayaan weerarro, Qaraxyo iyo Dilal.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia