Sabti, February 09, 2008(HOL): Waxaa xalay lagu dilay gurigiisa oo ku yaala Degmada Waaberi Guddoomiyihii Waaxda 26-ka June ee Degmadaas Marxuum Cabdi Fiidow Caddaan xili uu ku sugnaa meel u dhow gurigiisa.
Guddoomiyaha Degmada Waaberi Axmed Meyrre Makaraan ayaa sheegay in ay marxuumka dileen seddex nin oo bastoolado ku hubeysnaa, kuwaasi oo markii ay dilka geysteen kadib baxsaday.
“Marxuumka waxaa la dilay isagoo ka soo baxay gurigiisa ku dhegan oo uu uga soo baxay arrin maslaxad ah, waxaana dilay seddex wiil oo bastoolado ku hubeysnaa”ayuu yiir Guddoomiyaha Degmada Waaberi.
Guddoomiyaha Degmada Waaberi waxaa uusheegay in qof kasta uu waqtigiisa dhimanayo, isla markaana uusan wax saameyn ah ku yeelan doonin dilka loo geystay Guddoomiyihii Laanta 26-ka June ee Degmada Waaberi.
Dilka loo geystay marxuumkan ayaa wuxuu qeyb ka yahay dilal dhowr ah oo loo geystay mas’uuliyiin badan oo ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir oo isugu jiray Guddoomiyayaal demo, Guddoomiye ku xigeenno iyo Guddoomiye Waaxeedyo, kuwaasi oo qaarkood la toogtay, halka kuwo kalena qarax miino lagu dilay.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa dhawaan sheegay in la dhameeyay mas’uuliyiinta maamulka Gobolka Banaadir, wuxuuna carrabka ku dhuftay in la dilay 9 Guddoomiye Degmo iyo Dad kale oo ka tirsanaa Maamulka Gobolka Banaadir oo ay ku jiraan labo Afhayeen oo uu maamulku lahaa.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia