
Sabti, February 09, 2008(HOL): Banaanbax ballaaran oo looga soo horjeeday tacadiga ay ciidamada booliska ee dalka south Africa ku hayaan dadka qaxootiga ah ee ku nool wadankaas ayaa 7dii bishan ka dhacay magaalda Cape Town ee dalka South Africa.
Banaanbaxaas oo ay ka soo qeybgaleen boqolaal ruux oo qaxooti ah oo badankoodu ka kala yimid wadamada Zimbabwe, Congo ,Somalia, Tanzania, Malawi, iyo wadamo kale ayaa waxa uu ka ka biloowday barxada weyn ee caanka ah ee loo yaqaano Grand Parade ee ku taala bartamaha magaalada Cape Town ayaa waxa uu ku dhamaaday saldhigga booliska ee magaaladaasi.
Banaanbaxa oo aay soo qaban qaabiyeen Jaaliyadaha ay leeyihiin dadka soo galootiga ah ee Wadankaas ku dhaqan iyo Hay’adda Samafalka ee loo yaqaano People Against Suffering Suppression Oppression and Poverty (PASSOP) ayaa waxa uu ahaa mid si wanaagsan loo soo abaabulay oo horayna loogu sii sheegay ciidamada ammaanka oo iyagu ilaalinayay Ammaanka wadooyinka aay marayeen dadka banaabaxayay.
Saldhiga booliska oo ahayd halka ugu dambeeysay ee uu ku dhamaaday banaanbaxa ayaa waxaa kula kulmay banaabaxayaalka qaar ka mid ah saraakiisha booliska ee magaalada Cape Town oo iyagu ka guddoomay qoraalo ay soo diyaariyeen Jaaliyaduhu oo ahaa kuwo ay ku qornaayeen cabashooyin badan oo ka dhan ah booliska, waxayna saraakiisha boolisku ballan qaadeen in ay cabashooyinkaas u gudbin doonaan Taliyaha Ciidanka Booliska ee gobolka Western Cape.
Waxaa dadka halkasi yimid ee banaanbaxa ka qeybgalay ka mid ahaa guddoomiyaha Jaaliyada Soomaalida, Cabdi Cumar Axmed ( Jidoow ) oo isagu ka war bixiyay dhibaatooyinka booliska qaar ka tirsani ay kula kaceen dadka qaxootiga ah sida dhacdadii bishii la soo dhaafay ka dhacday magaalada Johannesburg oo qaxooti fara badan oo u dhashay dalka Zimbabwe oo Kaniisad ku jiray xoog looga saaray oo waliba la xirxiray, iyo waliba tii ka dhacday duleedka magaalada Cape Town ee 22dii bishii la soo dhaafay oo Wiil Soomaali ah Rag Burcad ahi ay ku toogteen kuna dileen dukaankiisa hortiisa halkaasoo isagoo meyd ah uu nin boolis ahi darbo la dhacay meydkii tasoo la garan waayay waxa uu ula jeeday balse walaac fara badan ku abuurtay dadkii Soomaalida ahaa ee meydka dul joogay.


Faarax Daahir, Hiiraan Online
[email protected]
Cape Town, South Africa
Banaanbax looga soo horjeeday Booliska Koofur Afrika oo ka dhacay Magaalada Cape Town
More News
- MADAXWEYNE C/LLAAHI YUUSUF: “Ciidamada Itoobiyana bixi mayaan ilaa uu wadanka amni ka yimaado, kuwa kalena bixi mayaan, kuwo hor lehna waa la keenayaa”
- Ciidamada gacanta ku haya Magaalada Kismaayo oo heegan la geliyay kadib markii uu soo gaaray war ku saabsan in weerar lagu soo yahay
- Maamulka Gobolka Banaadir oo Garaadooyin ka rifay Saraakiil ka tirsanaa Dowladda Hoose
- Askari ku geeriyooday iska hor-imaad dhexmaray Ciidamada Maamulka G/Hiiraan iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda
- Xarunta Hay’adda UNDP ee magaalada Muqdisho oo xalay la weeraray
- Guddoomiye Waaxeed ka tirsan Maamulka Degmada Waaberi oo xalay toogasho lagu dilay
- Shareecada Islaamka oo Dood weyn ka dhalisay Wadanka Ingiriiska kadib markii la soo jeediyay in wax laga qaato ku dhaqankeeda