Jimco, February 08, 2008(HOL): Sarkaalkan la dilay oo lagu magacaabi jiray Axmed Cumar, isla markaana ka tirsanaan jiray Saraakiishii Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa toogtay labo wiil oo dhalinyaro oo bastoolado ku hubeysnaa, kuwaasi oo markii ay marxuumka dileen kadib baxsaday.
Dad ka dhawaa halka lagu dilay Marxuumka ayaa waxay sheegeen in markii la dilayay marxuumka uu ka soo baxay Masjid uu ku soo tukaday Salaaddii Jimcaha oo ku yaala agagaarka Saldhigga Degmada Yaaqshiid, waxaana dilkiisa si weyn uga naxay eheladdiisa iyo dadkii ay xaafadda wada deganaayeen.
Marxuumka ayaa la sheegay in uusan ka mid ahayn Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana uu waayadan dambe ahaa Nin ka gaabsanayay in uu ka mid noqdo Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dhanka kalena, xalay ayaa inta u dhaxeysa Deegaannada Leego iyo Yaaq-Bira-weyne ee Gobolka Shabeelaha Hoose waxaa lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa Guutada 17aad ee Ciidanka Mileteriga Dowladda Federaalka ee fadhigoodu yahay Garoonka Diyaaradaha Balli-Doogle ee Gobolka Shabelaha Hoose.
Sarkaalkan xalay la dilay oo lagu magacaabi jiray Col. Xuseen Gorgor ayaa wuxuuna ku socday markii la dilayay gaari uu watay oo ay rasaas huwiyeen kooxihii dilay, iyadoo halkaasina uu dhaawac culus ka soo gaaray mid ka mid ah ilaaladiisa, kaasi oo dhaawaciisa loo soo qaaday Isbitaallada Magaalada Muqdisho.
Dilka Saraakiishan loo geystay ayaa waxay ku soo beegmayaan iyadoo Saraakiil dhowr ah oo ka tirsanaa Ciidamadii hore ee Soomaaliya lagu dilay Deegaano dhowr ah oo ku yaala Dalka Soomaaliya, iyadoo ilaa iyo haatanna aan la ogeyn sababta ka dambeysa dilka Saraakiishan oo aan loo kala sooceynin in ay shaqeynayaan iyo in ay howl-gab noqdeen.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia