Jimco, February 08, 2008(HOL): Bilihii aynu soo dhaafney qeybo badan oo ka tirsan Gobalka Hiiraan waxaa ka jiray Dhibaatooyin isuggu jira Biyo la'aan iyo Daaqii Xoolaha oo yaraaday, waxaana taa ay qasab ka dhigtay in dad badan oo Xoolo dhaqato ah isaga hayamaan si ay u helaan Biyo iyo Daaq ku filan.
Haddaba urur lagu Magacaabo Daljire Somalia Assciation fadhigiisuna yahay Magaaladda Londan ee Dalka Ingariiska ayaa dhawaan ka Bilaabay deeganadda dhibaatadu ka jirto howlo isugu jira Biyo dhaamis iyo Gar gaar loo fidinayo dadka reer Miiga ah ee ka barkacay deegaanadii ay ku noolayeen sida Suubo, Waab weyne, Habeeno, Hees, Dib ugal, iyo Sulmo oo dhamaantood abaartu ku dhufatay.
Waxaa dhamaanba hadda buuxa Baraagihii ku yiilay dhulka Biyo la'aantu ka jirtay kadib markii maalmihii aynu soo dhaafnay ay halkaa gaarayeen Booyadaha Biyaha qaada oo marka laga soo tago dhulka Baraaguhu ka dhisan yihiin sidoo kale meelo fog fog Biyaha ugu geynayay dadka ka hayaamay dhulkii ay ku noolaayeen.
Cali Cumar Guure oo ka mid ah Ururka DSA ee Deeqdan Bixiyay ayaa u sheegay HOL in markii ay maqleen dhibaatadda laga soo sheegayo dhulka Miigga ah ay ga'aansadeen in ay bixyaan Jawaabtan, isaga oo intaa ku daray ka hor inta aysan qeybin gar gaarka in ay kormeer ay ku soo kala bixiyeen deeganadda dhibaatadu ka jirto si markaa loo ogaado baahiyaha taagan.
Arita ugu muhiisan in la xuso u baahan ayaa ah marka laga soo tago Biyaha la gaarsiiyay dhulka Miigga ah waxaa uu ururku Deeq isugu jirta Bustayaal iyo Baco u qaybiyay Dadka Xoolo dhaqatadda ah maadaama dadkaasi yihiin kuwo hadba u socdaala halka ay ka helayaan Daaq iyo Biyo ku filan, Sidoo kale waxaa ka mid ahaa dadka Deeqdaa la gaarsiiyay Caruur wax ka barta Duggsi Quraan ku yaala Mid ka mid Deeganadda uruku booqday taasoo ka difaaci doonta caruurta qabowga daran ee jira xiliga habeenkii.
HOL oo ka qeyb-qaadatay Socdaalka dhulka Miyiga ah Deeqda lagu gaarsiiyay ayaa mar ay wax ka weydiisay dadka sida ay u arkaa deeqdda ay heleen waxaa ay sheegeen in ay siweyn u soo dhaweynayaan iyaga ka sinaa Oraahda ah '' Dadka ku nool Baadiyaha waa kuwo Noloshoodda layska ilaway, waxaana deeqaha iyo samaflka la bixiyo isku kooba reer Magaalka.
C/llaahi Cismaan oo ka mid ah dhaliyaradii deeqdan wax ka bixisay ayaa sheegay in dhibaatooyinka jira marka laga soo tago Biyo la'aanta ay ka mid yihiin Caafimaad daro iyo macaluul la soo daristay Caruurta iyo dadka waayeelka ah ee ku dhaqan deeganaddii ay booqdeen kuwaasoo ka dhashay ayuu yiri Noqolasha adag ee ka jirta dhulka Miiga ah, waxaana uu intaa ku daray in arintaa laftirkeedu u baahan tahay in wax laga qabto.
Gar gaarkan oo ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah marka laga soo taggo kuwa ay bixiyaan mar marka qaar hay'adda Samaflka ayaa waxaa siweyn u soo dhaweeyay Mas'uuliyiinta Degmooyinka Maxaas iyo Matabaan oo ay hoos tagaan Deeganadda deeqda la gaarsiiyay kuwaa oo sheegay in gar gaarkan la helay yahay mid jawaab u ah fariimihii ay gudbiyaan, waxaana ay intaa ku dareen in ay ka filayaan uruka gacan intaa ka badan.
Ururka Daljire Somalia Assciation oo Fadhigiisu yahay Dalka Ingiriiska ayaa sida uu sheegay Cali Cumar Guure waxaa uu ku dhisan yahay iskaashi ka dhax jira dhalinta Ururka, isaga oo intaa ku daray in ay soo dhaweynayaan cid kasta oo kaalmo baxsata si markaa loo gaarsiiyo dadka dhibaateysan ee ku nool gudaha dalka Soomaaliya.


kala Xiriir Ururka Emailka:- [email protected], ama [email protected]
C/raxmaan Diiini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Somalia