Jimco, February 08, 2008(HOL): Waxaa magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya kulan ku wada yeeshay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde iyo Madaxweynaha Puntland Jen. Cadde Muuse Xirsi.
Xildhibaan C/rashiid Aadan Seed oo ah Ergayga gaarka ee madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo kulankaas goob-joog ka ah ayaa sheegay in seddexda mas’uul ay ka wada hadleen arrimo ku saabsan xaaladda Dalka Soomaaliya, gaar ahaan arrimihii ugu dambeeyay.
Ergaygan wuxuu sheegay in uu kulankan dhacay kadib markii ay seddexda mas’uul ku kulmeen Magaalada Addis Ababa, iyadoo uu xusay in uu Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ka yimid dalka Ingiriiska oo uu arrimo caafimaad u jiray, halka Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde uu horay u sii joogay Addis Ababa, Madaxweyne Cadde Muuse-na uu ka soo duulay magaalada Boosaaso.
Mar wax laga weydiiyay Xildhibaan C/rashiid Seed waxyaabaha ka jira wararka sheegaya in ay madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha ku kala fikrad duwan yihiin qaabka ay Dowladda Federaalka u wajaheyso Dib-u-heshiisiinta, tusaale ahaan in Madaxweynaha uu yiri in aaney la hadleynin dad dagaalka wada iyo kuwa argagixisada xiriirka la leh, halka Ra’iisal wasaarahana uu sheegay in ay cid kasta la hadlayaan, “warkaasi waxba kama jiraan Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha waa ka mideysan yihiin dhinaca dib u heshiisiinta, waxayna qabaan in lala hadlo cid kasta oo aan dagaal wax ku dooneynin”ayuu yiri Xildhibaan C/rashiid Seed.
Ugu dambeyntiina Xildhibaan C/rashiid Seed waxaa uu sheegay in uu madaxweyne C/llaahi Yuusuf ku sii jeedo gudaha Dalka Soomaaliya, Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde-na uu shir u aadayo Xarunta Midowga Yurub ee Brussels.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia