Jimco, February 08, 2008(HOL): 7 Ruux ayaa geeriyootay 5 Ruux oo kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii uu la rogmaday Gaari ay rakaab ahaan u saarnaayeen xli uu Gaarigaas marayay Deegaanka Xasan Geeddi oo ka tirsan Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Gaarigan rogmaday ee ay dadka badan ku dhinteen ayaa wuxuu ka yimid Deegaanka Ceel Bacad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, wuxuuna ku sii jeeday dhinaca Magaalada Muqdisho.
Rogmashada Gaarigan ayaa loo aaneynayaa iyadoo ay waddooyinka isku xira Muqdisho iyo Gobollada Dhexe ay burbursan yihiin, isla markaana Darawaliinta Gaadiidka isticmaala kaxeeya ay yihiin kuwo aan lahayn khibrad Darawalnimo oo markaasina kaxeynta Gaadiidka ku soo bartay si deg deg ah.
Dadka dhintay ayaa la sheegay in dib loogu celiyay deegaankii uu gaariga ka soo baxay ee Ceel Bacad, halka kuwii dhaawaca noqdayna loo qaaday dhinaca Isbitaallada Magaalada Muqdisho.
Ma ahan markii ugu horeysay oo uu Gaari ay saarnaayeen Dad Rakaab ah uu ku rogmado Wadada isku xirta Muqdisho iyo Gobollada Dhexe ee dhinaca bari marta, waxaana jiray Shilal sidan oo kale sababay dhimasho iyo dhaawac.
Dhanka kalena, Darawaliinta kaxeysa Gaadiidka u kala goosha Muqdisho iyo Gobollada Dhexe ayaa waxay ka cabanayaan Isbaarooyin xad dhaaf ah oo ka dilaacay Wadadaas, kuwaasi oo lacag tiro badan looga qaado Gaadiidka Wadadaas isticmaala, iyadoo ay u sii dheer yihiin falal nabadgelyo darro ah oo laga xusi karo in ay kooxo hubeysan rasaas aan loo meel dayin ku furaan gaadiidka safarka ah ee Wadadaas isticmaala.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia