Talaado, February 05, 2008(HOL): Waxaa saaka degan Xaaladda deegaanno dhowr ah oo ay shalay gelinkii dambe dagaallo culus ku dhexmareen Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday.
Dagaalkii labada dhinac dhexmaray oo ka dhacay qeybo ka mid ah Degmada Hodan, gaar ahaan Xarunta Wasaaraddii Gaashaandhigga, Xeradii Guul-Wadayaasha, Xaruntii Shiirkole iyo weliba qeybo kale oo ka mid ah Wadada 30-ka.
Khasaaraha uu geystay Dagaalkaas ayaa marka laga soo tago burbur uu u geystay guryo ay dadkii deganaa ka bara-kaceen waxaa uu dhaawac ka soo gaaay dad 10 ruux gaaraya oo ay gurayhooda ugu tageen madaafiic iyo rasaas yar yar oo habow ah.
Agaasimaha Isbitaalka Dayniile Xasan Guutaale ayaa sheegay in 10-ka ruux ee dagaalka ku dhaawacantay Isbitaalkooda la geeyay, isla markaana ay Dhaqaatiirta Isbitaalka daweyn ku hayaan, isagoo caddeeyay in dadkaas ay ku soo dhaawacmeen Xaafadaha Baar Ubax, Raadeerka iyo weliba Xaafadda Barwaaqo ee Gubta.
Dad yar oo ku harsanaa xaafadaha uu dagaalka ka dhacay ayaa waxay sheegeen in dagaalkii shalay uu ahaa mid xooggan oo muddo labo saacadood ah socday, welibana maalin cad bilowday, halka ay dagaalladii horay uga dhici jiray magaalada Muqdisho ay dhici jireen xili habeen ah.
Ugu dambeyntiina, Xarumaha Wasaaraddii Gaashaandhigga, Shiirkole iyo Guul-wadayaasha ayaa waxaa ku kala sugan Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan ah, iyadoo ay xusid mudan tahay in qeybo ka mid ah Ciidamadaas ay dhawaan halkaas ka baxeen.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia