Talaado, February 05, 2008(HOL): Isgoyska Howl-Wadaag oo ah halka kaliya ee ay haatan Gaadiidka iyo Dadka ka galaan Suuqa Bakaaraha ayaa wuxuu maalintii seddexaad u xiran yahay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo gaadiidka dagaalka ku hubeysan.
Ciidamada ku sugan Isgoyska ayaa waxay gebi ahaanba joojiyeen in ay Dadka iyo Gaadiidka isticmaalaan Isgoyska Howl-Wadaag, waxayna taasi dad badan ku kaliftay in ay xaafadaha dhexdooda maraan si ay Suuqa Bakaaraha u galaan ama ay uga soo baxaan.
Gaadiidleyda iyo Ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo arrintan ay si weyn u saameysay ayaa waxay ka codsadeen Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay Ciidamadaas ka qaaddo Isgoyska Howl-Wadaag oo ah meesha kaliya ee haatan laga galo Suuqa Bakaaraha kadib markii ay Ciidamo fadhiyo dartood u xirmeen Waddooyin dhowr ah oo Suuqa laga soo geli jiray.
Isgoysyada Howl-Wadaag iyo Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa muddo ka badan 2 bilood waxay yihiin kuwo ay saldhig u noqdeen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo joojiyay gaadiidkii isaga kala gooshi jiray Wadada Wadnaha, kuwaasi oo haatan isticmaala waddooyin xaafadaha dhexdooda ah.
Ugu dambeyntiina, ma muuqato tallaabo Ciidamadan looga qaadayo Isgoysyadaas oo ah kuwa laga soo galo Waddooyinka Koowaad iyo Labaad ee Suuqa Bakaaraha, marka laga reebo Afhayeenka Ciidamada Booliska C/llaahi Ibraahim Cumar Shaacshaac oo sheegay in aysan waxba kala socon Ciidamo xirtay Isgoyskaas, balse haddii ay arrintaas jirto ay wax ka qaban doonaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia
Isgoyska Howl-Wadaag oo Maalintii Seddexaad u xiran Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya
More News
- Madaxweyne Cadde Muuse oo u dhoofay Dalka Itoobiya, kadibna uga sii gudbaya Dalka Jarmalka
- Guddoomiyaha Degmada Shibis oo ka badbaaday Qarax Miino oo lagu dili lahaa
- Kooxo hubeysan oo weerar ku qaaday Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo ku sugnaa Suuqa Xoolaha Dayax ee Degmada Huriwaa
- Xaaladda Goobo ay shalay dagaallo ka dhaceen oo Muqdisho ku yaala oo saaka degan
- Guriga Guddoomiyihii hore ee Degmada Baydhabo oo xalay Weerar Bambooyin loo adeegsaday lagu qaaday
- Shineemooyin ku yaal Degmada Wanla-weyn oo amar lagu bixiyay in albaabada loo laabo