Shineemooyin ku yaal Degmada Wanla-weyn oo amar lagu bixiyay in albaabada loo laabo

Talaado, February 05, 2008(HOL): Culumaa’udiin iyo Odayaal ka soo jeeda Degmada Wanla-weyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxay shir ka yeesheen Shineemooyin Degmadaas ku yaala oo dhibaato ku haya Dadka halkaas degan.
 
Culumaa’udiinka iyo Odayaasha ayaa shirkan isugu yimid kadib markii ay soo gaareen warar sheegaya in 6 Shineemo oo Degmadaas ku yaala laga dhigo Aflaan Anshax xumo ah oo ka dhan ah Dhaqanka Wanaagsan ee Diinta Islaamka, kuwaasi oo ay Shineemooleyda si aan qarsoodi lahayn ay u baahiyaan.

Shineemooleyda ayaa  qaarkood waxay iridka laga galo Shineemada ku soo dhejiyaan habeen kasta marka laga gaaro 8:30 habeennimo boor uu ku dhigan yahay Hal ku dhig dhahaya Ku soo dhawaada Filimka Dhalinyarada, taasina waxay si weyn uga careysiisay dadka ku dhaqan Degmada Wanla-weyn oo iyagu ay u tahay markii ugu horeysay oo ay arkaan anshax xumo intaas la eg.

Go’aanka ay soo saareen Culumaa’udiinka iyo Odayaasha Degmada Wanla-weyn ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyay Dadka ku dhaqan Degmadaas oo iyagu la’aa cid ka hadasha dhaqan-xumida ay ula yimaadeen Dadka Shineemooyinka ka furtay Degmadooda.

Wararku waxay intaas ku darayaan in Dadka leh Shineemooyinkan ay qaarkood ka carareen Magaalada Muqdisho oo haatan aysan jirin Shineemo lagu daawado xitaa kuwii Ciyaaraha Isboortiga kaliya  baahin jiray, waxayna taasi dhacday kadib markii dhowr Shineemo oo ay dad daawanayeen lagu tuuray Bambo Gacmeedyo, halka kuwo kalena Milkilayaashooda loo geeyay Warqado Digniin ah, sidaasna ay Shineemooyinkooda ku xireen.

Dhawaan ayay ahayd markii uu maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose soo saaray amar lagu mamnuucayo in Shineemooyinka la daaro gelinka hore ee maalintii, iyadoo taasina uu maamulka ku sababeeyay in ay Caruur badan oo Waxbarasho loo diray ay ku leexdaan Shineemooyinka oo subaxda hore la daari jiray, waxaana tallaabadaas soo dhaweeyay Dadka ku dhaqan Degmada Marka.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia